Gudoomiyaha degmadda Qardho Cismaan Buux cali,oo maanta waraysi siinayay saxaafadda,ayaa sheegay in bisha soo socota ee April ay dhici doonto doorashadi golaha deegaanka ee degmadda Qardho.
Mudane Buux ayaa hoosta ka xariiqay in hadda ay tahay wakhtigi loo baahna in beelaha dega degmadda Qardho ay bilaabaan ololayaasha dhismaha golaha deegaanka,si buu yiri loo helo cadaalad iyo sinaan
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in bisha fooda inagu soo haysa April bilawgeeda ay magaaladan Qardho imaanayaan wafdi ka socda golaha dhexe ee xukuumadda Puntland.
Isku soo wadda duubo,maamulka uu hogaamiyo Cismaan Buux Cali ayaa la soo doortay Sanadkii 2005,wuxuuna wax badan intuu taladda hayay ka qabtay nadaafadda,Mashaariicda horumarinta iyo Waxbarashadda
Siciid Ahmed Mohamud(Qalinle)
Faysal650@hotmail.com