Cabdiraxmaan Faroole Oo Maalmahan dambeba Woday Qorsheyaal Xilalka loga qadayo Mas’uuliyiin ka tirsana Xukuumaddisa ayaa la filaya inu Maanta ku dhawaaqo xil ka qaadis u ku sameyn doono Taliyaha Booliska Puntland Iyo Weliba ku Xigeenkiisa, Sidoo kale waxa u xilka ka qaadi doona Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari
Faroole Ayaa ku bedeli doona Taliyaha Booliska Puntland Axmed Cali Xaashi Afey, Taliye Cusub oo Noqon doona Cabdirisaaq Afguduud Horena u soo qabtay Xilkan Waqtigii Md. Cabdullaahi Yusuf ee Puntland, Sidoo kale Waxa u Xilka ka qaadi doona Taliye ku Xigeenka Booliska Maxamed Siciid Jaqanaf isaga oo ku bedeli doona Taliye ku Xigeen Cusub Oo Noqon doona Cabdirisaaq Gantaal, Sidoo kale Waxa u xilka ka qaadi doona Taliyaha Qeybta gobolka Bari Cismaan Xasan Cuuke Afdalow, Isaga oo ku bedeli doona Taliye Cusub Oo lagu magacaabo Maxamed Yare, kaasi oo hore u ahan jiray Taliyahii Dekeda Magaalada Bosaso
Ragga u isku bedeli Faroole ayaa ah kuwa hal beel ka soo wada jeeda, Marka laga reebo Taliyaha Booliska Puntland oo isaga uu ku bedeli doono nin Qabiilo kale ka yimid, Waxana la filaya in Isbedelkan u Cabdiraxmaan Faroole maanta kaga dhawaaqo magaalada Garoowe, Sidoo kale Faroole ayaa Xilka ka qaadi doona Mas’uuliyiin kale oo aan Weli Magacyadooda iyo Xilalkooda Saxaafadu aysan helin balse maanta loo wada fadhiyo
Filed under: Wararka Tagged: | Xilka Qadis