Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah Ee Kulmiye Muj. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Ayaa mar kale ugu baaqay burcad badeeda Somalida ee Heysta Lamaanaha Ingiriiska Ee Paul Iyo Rachel Chandler inay Xorriyadooda u Soo Celiyaan Isla markana aay sii daayan Lamaanaha Ingiriiska ah ee Aay Afduubka Ugu heystan Degaanka Xarardheere ee Xeebaha Bariga Somaliya
Gudoomiyaha Kulmiye waxa u Burcad badeeda ugu baaqay Inay Tixgeliyaan Baaqyada Uga Imanaya Adduun weynaha Iyo weliba Somalida, Isaga oo Lamaanah Afduuban ku tilmaamay Birimageydo Aan waxba galabsan isla markana aan Shirkaado u shaqeyn ee aay ahayeen Sidaa u hadalka u dhigay Dad Wayeel ah oo Dooni yar ku Safrayey
Muj. Axmed Siilaanyo waxa u sheegay In Dadka Somalidu aysan dhaqan u laheyn Caburinta Iyo Weliba Dhibaateynta Birimageydada, Isaga oo sheegay in Kooxahan Heysta Lamaanaha Ingiriisku aay Xeeriyan Codsiyada Iyo weliba Dhaqanka Somalida ee aan Aqoon Dhibaateynta dadka Wayeelka ah Sidaa lamaanaha Ingiriiska ah oo kale, Waxana u Sheegay in loo bahan yahay in Sii Shuruud La’aan ah aay ku sii dayaan Labada lamaane Paul Iyo Rachel Chandler
Dhanka kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac ayaa isaguna sheegay in aay la soo xiriireen Ragga Burcad badeeda ah ee heysta Lamaanaha Ingiriiska isaga oo sheegay inay u warameen ragga Burcad badeed ah oo aay uga warameen lacagta aay ku dooni iyo weliba Xaalada dadkaasi, Waxa u sheegay inu la hadlay Haweeneyda Ingiriiska ah ee Rachel Chandler isaga oo ka dayriyey Xaaladeeda Caafimaad
Sidoo kale Xildhibaan Nac Nac ayaa sheegay in Hoggaanka Dableyda Heysata Lamaanaha Ingiriiska ah Uu u Sheegay In Ninka U Xiran ee Paul Chandler U Isagu Indho Beelay Sidaa u hadalka u yiri oo aanu waxba arki kareyn
Xildhibaanka ayaa sheegay inu ka dalbaday kooxaha Burcad badeeda ah inay sii dayan Lamaanaha Ingiriiska ah oo aanay wax dhibaato ah u geysan
Baaqyada Xildhibaan Nac Nac Iyo Mujaahid Axmed Siilanyo ayaa daba socda Baaqyo noocan oo kale ah Oo Bulsho badan u dirtay kooxaha Burcad badeeda ah ee heysta Lamaanaha Ingiriiska ah, kuwas oo Ilaa Dhamaadkii Bishii October ee Sanadkii hore Ku heysta degaanka Xaradheere ee Gobolka Mudug Lamaanaha Birtish-ka ah oo Ah Iyaku Kuwa Wayeel Ah