Ninkeygii Ayuu Iga Furay, Isna Waxba ima qabanin Ee Maxan Sameeyaa ???

ASC ,waxaan ahay gabar Soomaliyeed, hadana hooyo heysato hal wiil, da,deyda waa 21 jir,waxaan guursaday sanadkii 2005, waxan daganahay canada , gaar ahaan magaalada toronto,waxan rabaa walaalayaal in aad igala talisiin mushkilad aan xal u wayey, 4sano waxaan is jecleen wiil, wilkaas calaf iskuma yeelan aniga nin ayaan gursaday

Ninka aan guursaday ma aqaano sababta aan ula aqal galay , jecel uma guursan ee calafkayga ayaa halkaasi galay , saaxiibkeygii hore aad ayaan u jeclaa oo aniga waxaan soo aaday qurbaha , isagiina dalkii hooyo ayaan uga soo tagay , durbana waxaan ku aqalgalay yurub , waxaana uu alle guurkaasi iga siiyay wiil

Intii oorida ninka wiilka u dhalay aan u ahaa , waxaan saaxiibkeygii hore u xiriiri jirnay si joogto ah , waxaana uu markii dambe soo galay qaaradda yurub , wuxuu igula taliyay in ninkii aan qabay iska furo , isna uu I guursan doono ,anna taladaas waan ka aqbalay oo ninkii baan iska furay , kolkuu ogaaday inaan garoob noqday oo banaanka aan ka joogo aqalkeygii koowaad ayuu isna gabar guursaday , wuuna igu wargeliyay arintaasi oo aan ka qaaday naxdin iyo fajac , waayo soomaalidu waxay ku maah maahdaa “miro gunti kuugu jira , kuwa geed saaran looma daadiyo”.

Inkastoo uu falkaasi ku dhaqaaqay , hadana aniga waan ku jeclahay inaan ku qaato isagoo xaasle ah oo raali ayaan uga ahay inkastoo uu cidlo I dhigay , waxaana ku balansaneen inaan is guursano , ilaa iyo hadda weli sheekadeenu ma dhamaan oo guur iyo meher midna nama dhaxmarin .

Waqtiyadii hore waxa uu ii muujin jiray hadalo macaan oo ku dheehan naxariis jaceyl, markii dambana wuxua isku rogay oo uu la soo baxay waji xun oo aan la aqbili Karin, ereyo caay aflagaado ah ,dabeecad aan ku aqoon , anigana waan jeclahay markuu i caayo waan dajiyaa ama waxaan dhahaa hadhoow aan ku soo waco, naftayda waa ay kaa sabri la’dahay ,ee sideen ku sabarsiiyaa naftayda, sidee jeceylka aan u qabo ku baabi,iyaa oo aan ku ilaabaa isagaba guud ahaantiisa, Plz hadal iyo talo aan ku qanco i soo siiya , Mahadsanidiin

19 Responses

  1. walaal salaan, waxaad uga tagtay ninkaagii hore ama wiilkaaga aabihi bilaa macno adoon illaa hadda sheegin waxa uu kuu dhimay, midho geed saaran kuwo gunti ku jira looma daadiyo, waxay ila tahay inaad ku laabato oo aad sharciga islaamka la kaashato haddii uu kuu fasaxayo ninkaagii hore oo wiilkaaga iyo adiguba ku noqotaan ninkii mas uulka idinka ahaa, ninkaan cusubna aad ka talo baxdo. wabilaahi tawfiiq

  2. Naf. Wax jecel wano maqadaneyso. Hase ahato abayo wali waad yartahey itahey baa mid aad jeclaato asagana jecel ku sahlaye samir oo Naf intaad isgaliso Qalbigaga ka saar ninkaas oo aan naxriista ku heyn. Awalba adage wacadkid uga baxey wuuna kaa aar gutey ilaan caqli kuma dhamine.

  3. Horta marka hore ka qoomamay waxa aad fashay…..hadiise aad ogayd midho gunti ku jira in aan loo daadin ku geed saaran waad degdegtay………qadarta laakiinse rabaa haya…….

    ugu danbay adkaar iska akhriso quraankana dhegayso…jacaylkiisana laab sababtoo ah qoyskaagii uu burburiyay ayaa wax walba ka qaalisan……isku day in aad soo ceshato saygaagii hore eebene aad u toobad keento………

    wakhtiga ayaa ka jawaabaya waxyaabahaasi oo kale’e iska sug…. nasiibkaaga

    waad mahadsantahay

  4. anagu hadan nahay reer saxan saxo waxba kama qaban karno gaban dhibaatada haysata mgrty by

  5. abaa halmed ayaan ku sheeega adiga markii hore waxaad ku sameeyasay adiga ma is ka hilamaatay qof dhan ayaad ku ciyaartay ayaad hada gar is siin markii hore ayaad qalada ka gashay marka qaladkaagi badalkiisa waad hashay

  6. salaama calaykum marka hore carabtu waxay tidha alah cawad calayk
    horta marka hore Ilaahay aya sidan idiin gartay qofkastaaba calafkiisu helaya . iyado taasi tatahay . marki hore ada qaladka galay o ujaray . isaguna imaka wu ka aar goosanaya marka hadaad.caqli leedahay wa inaad hurdada ka toosta. ood ogaata aargooska . bini aadamku wu qaldama lakiin kumasii socdo .three things are there.

    1- ninka si for evera u i law ilaaw ilaaw (forget)
    2- haday fursadi jirto ninkaagi hore ku noqo o lakaasho dadka caqliga wanaagsan
    3- xaga diintana ku dhawoow o qaladkaaga sax
    wa bilaahi towfiiq

  7. waan ku faraxsanahay inaad sameyso ficilkaas sababtoo ah aniguba mar hore ayaan soo marey ila dhadhami mirihiisa by

  8. asc marka hore nasiib daro ninka saa kuu galay waxuu meel kaga dhacay aqoontii lagu yaqaanay raga waayo oo uu ilaahay quraankiisa ku sheegay in ay dumarku gara ka masuul yihiin waad ku guul daraysatay aqoontii raga mida kale gabadha soomaaliyeed ee muslimada ah waxan kuu sheegaya in aad qalad wayn gashay maadaama aad saygaaga adoon dhibaato ka tirsanaynid aad qalad isgaga furtay oo aad wiilkaaga yar ugu indho furtay dhaqan xun waayo ilmuhu hadii ku ilqaado aabahii iyo hooyadii oo xumanai ka dhaxayso waayo waxuu arkayaa ilmaha qayrkii ah ee aabahod iyo hooyadood labada gacan kala hayaan markaa waxaan ku dhihi laha ninkaa iska tuf waxadna ogaataa in uusan hada iyo markuu kulaha reerkaaga soo dumi uusan jacayl kuu haynin waayo qofka ku jeceli waxuu dhawraa sharaftaada waxuuna ku ciyaaray sharaftaada maadaama uu ilmahaaga yar kuu quudahay in uu ku ilqaado xumaan markaa waxaan ku dhihi lahaa jaanis baad haysataa waxad tahay gabadh yar ha iswaalin oo aduunyada cidhiidh ha iskaga dhigin adaa xaalkaaga dareemi kara hadii ada fursad u haysatid saygaagii hore ka raali gali qaladka ad ku kacday oo ku noqo ilmahaaga na waa u faaiido adna waa kuu faaiido runa ahaantii dadka soomalaiyeed waxada moodaa in ay ku soo biirayaan dhaqankii gaalada waayo maxaad ku keentaya adoo marwo la aqabo oo reer dhaqaysa in aad nin aad sheeko idinka dahaxysay aad wali xidhiidh jacayl la wadid gabdhaha soomalaiyeed waxan ka codsanaya ina y joojiyaan waxyaabha nocasa ahoo ay jirto hada gabdho badan oo ku socda ku tusaale qaata walaashiina waxa ku dhacay waxan kaloo talo u soo jeedinaya raga soomalaiyeed war miyaad ilowdeen waxa idin dhasahy gabadh wada na la dhalateen waadna dhasheen ama dhalaysaan markee bal ninkii jecel in uu qalad soo gaadho gabadhiisa ama walaashii markaa intiina gabdha ilaalisaay wada mahad san tihin intiina ku ciyarata waa in aad ilaalisaan ma jeclidin in kuwiina dhib soo gaadho wiika saa sameeyaeyna waxad ogaata in aadan faaiido ku gaadhayayn qaladka ad ka gashay reer xalaal isku qaba markaa waxaad ogaataa in aadan caqli iyra tona lahayn nasiib daro waan ka xumahay

    • gabadhaasi walashe ah waxaan kula talin lahaa in aysan ka quusan jeceelkii ay ugu bur burisay gurigii dhisnaa waxana oranayaa SABRAA BAA SADKIISA HELA ee sabar adiguba markii aad guursatay sas ayuu noqday wana uu sabray ee adiganah sabar oo ereyo naxariisbadan kusoo jiido ragu iskumid maahee way kala duwan yihiin waxa lagayaabaa in uu eebe kuu soo jeediyo taladeedu waa hada quusan jeceelkii aad gurigagii udumisay waa hadad naag kartileh tahay waxan kuu rajeenayaa qayr waxadna igala soo xiriri kartaa si walal nimo leh ii maylka
      markale waxan kuugu celinayaa inaad iska dhigto naag karti le oo wixii soo wajaha udul qadan karaysa kudadaal sidii aad uahanan lahayd nin kaasi

      liibareejo@hotmail.com

  9. ANAA KU GURSANAYA

  10. MARKA HORE MID AYAAN USHEGAYAA GABDHAA WALSHAY HA OGATO IN AY KALSONIDU IN AY FUDUDAHAY SIDA LAG BURBURIYA AYNA ADGTAHAY SIDA LAGU DHISA ANIGA WAXAAN ORAN LAHAA GABDHIHIINA WAXAA IS MODAAN DAHAB WAR ANAGU HADAANU NAHAY RAG WAXAANU U KALAHANAA WAA DUMAR WAX AY XABDU NOGU DHACEYSAA WAA DUMAR

    DUMARKA SOMALIYEED WAA DHIB SOCONAYAA QARKOOD FILMADAA AYAAYEY DAWADAAN WEY NA ADEN MID AYAAN INI KA TALINYAA RAGA U ROONADA

  11. S/Clykm, gabarey adigu odaygaagii ku laabo hadduu ku diidana iska saabar khiyaano dambena ha samayn, gabadha ragga eedeysay waxan u sheegayaa ninkaasi haddii aan la oranayn muxuu rag ka rooni u samayn waayey, khaladkii lugu sameeyey unbuu ka aarsaday, markuu aarsadayna suurta gal ma ahan gabar ninkaas iska fur yeeshay, in la aamino waayo berri bay adigana mid kale oo iska fur yiri iskaga kaa furaysaa, marka ninna lugooyo uu u jeedp ma doonan karo, balse hadduu i maqlayo waxan dhihi lahaa waa walaashaa miskiin ah oo qaldantay, inkastoyna markii hore axdi kaaga baxday, markii dambe ayey kuugu abaal gudday inay ninkii ay ballanta dartiis kaaga baxday iska furto sidaa darteed … anoon aammin ku dhihi karin gabadha adna ku khiyaantay, nin kalena khiyaantay, … haddana isku day inaad si kale u raalli geliso oo i cafi aad tiraa, iyo inaad weliba odaygeedii hore la qalqaaliso.

  12. waan ku salaamay salaan ka dib waxaan kugu amaanayaa daacadnimadaada WAXAAN KUGULA TALINAYAA IN AAD FARAHA KA QAADO NINKAA SABABTOO AH KALSOONIDIINII WAA KALA DHUNTAY WAXAAD TAHAY GABAR YAR ADUUNKA WAXAA NOLOSHU KU FIICAN TAHAY QOF AAD JECESHHAHAY OO KU JECEL HADII AAD WEYDO WAXAA UGU FIICAN QOF KU JECEL MARKA SUG NASIIBKAAGA WAAD HELEYSAA WAXAAD GASHAY BAA LAGAA JARAYAA NASIIB WANAAGSAN IYO WAX FIICAN GOAANKANA WAA MUHIIM

  13. asc. walsheey somalidey waxaan kuleeyahay anaiga talo ahaan teey ninkaadi kulaabo cunugaadana agoon haga dhigin ilmaha waxeey ku wanaag san yahiin abaha iyo hooyada in eey iku helaan nin kaasna kasamar ku qiyaanay adaiga qalat malihid waxaat tahay qof wax jecel lakin somali jecel ma taqaano macaanto aad ayaan uga xumahay dhibka ku gaaray as.c

  14. walal waan ka xumahay waxa kugu dhacay runtii calafka iyo jacaylkuba way jiraan wax walba oo ku gaaran waa wax kaa wayn adiga ma kuu qornaa adigoon dhalan ma rabo inan hadlkayga kugu dhereyo lkn waxan kugula talin lahaa
    1 inaad samir kaashatid ogatidna waxan kugu dhacay inay yihiin qadar
    2 inaad isku daydid inad naftaada ku qancisid waxa aad u aragtid munaasib inay u yihiin noloshada aadna farxad ku dareemaysid
    3 inaad isku daydid inaad ilowdid jacaylkaas waayo isagaba cidla ayuu kaaga tagey intuu baabieye mustaqbalkaagii
    4 inaad ahatid hooyo korsata ilamheeda
    inaad tala saratid illahy waayo isaga yaa og sidii kuu roon arintadana u bandhigtid adigoo ka baryaya khayrku siduu ku jiro waayo wax lala tashado isaga ayaa ugu fiican subxanahuu wa tacalaa

  15. walaal marka hore waa ku salaamay aniga arintan hadii aan eego ilama ahan in wax xal ah loo heli karo ilaa laga soo bilaabo halkii iyo qofki arintan horbilaabay oo qaladkiisii lasooo saxo kadibna kii dambe lasaxo oo ay dhalin guurti ahi dhexgasho waad mahad san tahay ayaan kuleeyahay.

  16. markahore waan kusalaamay abaayadeyda soomaaliyeed ee guul dareey satay abaayo aduunka in ta aad joogto wax walba waad la kul mey saa marka hore allahaga ku abuurtay u noqo kuna shukri oo ku xir now salaadwalbo oo tukatana alle bari in qalbiga alle kuu qaboojiyo marka abaayo waxa aan kugula talin nayaa adiga oo markii hore qalad kagalay nin kada iyo wiil kada inaad raali gelin kabixiso qaladkii aad seygada kusameeysay eegaayana danta wiilkaada iyo mustaqbalkaada waxa aad sameey saa ku laabo nin kaada si shariciga isslamka wafaqsan waad mahad san tahay

Comments are closed.