Xafiiska Warfaafinta Maamulka Ahlu Suna Waljameeca ee ka Arrimiya Gobolada dhexe ayaa maanta ugu Baaqay Suxuufiyiinta ka hawlgasha Degaanada aay ka taliyaan, Inay iska diiwan geliyaan Xafiiska Warfaafinta Ee Ururka Alhu Sunna Muddo Saddex Cisho Gudahood Ah
Madaxa Warfaafinta Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wal jameeca Shiikh Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi Oo Maanta Suxuufiyinta Qadka Telfoonka Ugu Qabtay Shir jaraa’id Ayaa ugu baaqay Suxuufiyinta in ay iska soo diiwaan galiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan
Shiikh Abuu Yuusuf al Qaadi ayaa sidoo kale sheegay sabata keentay in ay ugu baaqaan ay tahay mid ay amaankooda ay ku xaqiijinayaan
Waxaa sidoo kale uu xaqiijiyay in saxafigii aan iska diiwaan gilin Xafiiska Warfaafinta ee Maamulka Ahlu Suuna Wal jameeca ay u arkayaan mid howlo kale ka wada deegaankaasi
Maamulka Ahlu Suuna Wal jameeca oo aan hore looga baran in ay Awaamir noocaan oo kale ay ka soo saaraan halkaasi tan Iyo markii loo magacaabay maamulka cusub ee gobolada dhexe
Waxayna noqonaysaa midii ugu horaysay ay Awaamir noocaan oo kale ah oona ku wajahan Saxafiyiinta ay ka soo saaraan Maamulkaasi.
Yuusuf Cumar Shiiq (Uk)