Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socdaalkiisii uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo shalay eedo uga soo jeediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax Macalin ka bixiyey waraysigii xalay uu la yeeshay tifaftiraha laanta afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayuu sidoo kale ku sheegay in wariyahaasi waji gabax kala kulmay. Waxa kale oo uu gudoomiyaha UCID Yusuf Garaad ku Eedeeyey inuu geed dheer iyo geed gaabanba ugu taagan yahay xumaynta Somaliland, kuna tilmaamay mid idaacadii ka dhigay mid loogu adeego kooxaha ku dagaalamaya Somalia qaar ka mid ah
Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, kaas oo uu si adag jawaab ugaga bixiyey eedaha loo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee lagu haysto socdaalkii uu ku yimid Somaliland, kuna tilmaamay shakhsi geesi ah oo xaqiiqda aan iska indha tirin isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi ”Waxaan halkan tahniyad uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo Taageerayaasha balaadhan ee dalka iyo gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga, Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin sidii geesinimada lahayd ee uu uga hadlay una difaacay socdaalkiisii uu ku yimid dalka iyo Yuusuf Garaad oo isaguna ku sifoobay ”Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa” kuna caanbaxay xaasidnimada iyo xumaynta Somaliland, waraysigii uu la yeeshay Faarax Macalina waji gabax kala kulmay shaqsigaasi ina Garaad oo isagu ah mid xaasidnimo iyo cuqdad uu u qabo Somaliland ay ka soo ifbaxayso, mudadii uu idaacada tifaftiraha ka ahaana ka dhigay goob uu Somaliland ka colaadiyo oo uu koox ugu adeego, waxaanuse leenahay Somaliland kuma baabiin kartid xiqdigaa iyo buqdigaa aad ka wado BBC-da ee isdabo qabo ayaanu ku leenahay iyadoo hooyadaa iyo ehelkaagiiba ay u soo qaxeen Somaliland, hadana waxa nasiib daro ah inaad xumaynta Somaliland uun ka shaqaynayso, wasiir khaarajigan kenyana waxaanu leenahay dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magac sharmuuto lihi, Faarax Macalina waxaanu leenahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh Somaliland sharaf iyo qadarin wayna u leh shacbiga reer Somaliland iyo taariikhda faca wayn ee dalka iyo dadka reer Somaliland
Wargeyska Haatuf
asc dhamaan bahda webka wad kumahadsan tihiin dadaalkina waxan oran laha inaydan sheeg sheegin ninkan masul iskusheega ah oo wuxu doono isaga hadlaya oo horeyna aan u ogeyn xaalkii laga baxshay imikana ad wada arkeysan intu xuman dhaafay aya waxa halis inay saxafadu oran kari waydo wuxuu afkisa kayiri maxa yeelay waxan qofwayn kuhadlin ayukuhadla waxana igasiyabioyay dadka uu hormudka uyahay oo uhogaansan
KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK WAR WUXU AF XUMAA MA SAANOO GUDOOMIYE XISBI KU YAHAY
ninku masaanu dad masuul ugu ahaa ama ku doonaya inuu madaxwayne ku noqdo wuxu waaba wax waalane war siyaasi ma tihide dadka meel ka fadhiiso ceeb uunbaad ukordhinaysaaye
faysal qurmuune -duf alle ku bad, nacas weeye kani weliba caqli gaaban oo cunsuri ah.
iska ilaaliya yusuf jareer waxa uu ushaqeeyaa PIS ta waxa uu faafiyaa warar been abuur ah oo loo soo dhiibo wararka ay horseedmedia kaxishooto
oo caayda ah baa lasoo dhigaa waxa uu ku andacoodaa waa web somaliyeed oo cid walba ufaran taas qiil manoqonayso waxa lagu soodabaco meeshan adaa kamasuul ah in aad tafatirto qabiilaa meesha
lagucaayaa shaqsiyaad baa lagu aflagaadeeyaa PIS ta iyo waxa lashaqeeya baa lagu taageera yusuf jareer dan taada garo
waa cunsuri xun ninkani umana qalmo in la doorto iyo inu xisbi isku sharaxo waa ku gaf dadka reer somaliland in kani oo kale aay meel usoo magacaaban
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war yaa ma maantuu waxuu socdaba waxas wargays ka hor yidhi war waxaan u malaynayaa ina ya madaxdaan iyo gudoomiyaasha sanadkan jiraa ay modayaan in ay waxa ay dhahaan iyowaxa ya idaacadaha ka sheegaan ay iyaga uun u wanaagsan tahay war ilma adeerayaalow idina is ceebaysaa ana na ceebayse ee wax la kala hadah waxa calooshiina ku jiraa yuusan afku idinka xadine is ilaaliya marka ad waramaysaan oo aad waxaas oo kale ku had laysaan war hadal xumaa ma laba naag oo is caayeyaa waa maxay waxa uu ninka wayn ee gudoomiyaha ah hada isku sharaxaya maxadwayne uu ku hadlayaa yaan iyo amakaag war nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban