Faroolow Afkaga Iyo Dhegahagu Isma Maqlan Miya ???

Horta Aan Kaftane Ina Adeer Faroolow Afkaga Iyo Dhegahagu Ma Is Ogyahiin???, Su’aashan Anigu hadan kaga jawaabo oo aan kula suugin Waa Maya, Maya, Maya, Weligood Isma maqal, Caajib !!! , Ninkaasa Ummadi Ka Suugi Taalo Iyo Inu Hoggaamiyo, Waa nin Xanuunsan Oo Aan isaguba Is Ogeyn waxa u fali Iyo Waxa u ku dhaqaaqi Waa Hoggaamiyo Tayo daran

Cabdiraxmaan Faroole 25 February Wareegto ka soo baxday Xafiiskisa, Lambarkeeduna Aha Lr. 17 25/02/2010, Waxa U Xilkii Kaga qaday Duqii Degmada Bosaso Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil Iyo Ku Xigeenkiisi Isaga oo ku bedelay Maamul Cusub, Sidoo kalena waxa u Isla Wareegtada ku kala diray Golahii Shacabka Degmada Bosaso

Waxa Xusid Mudan, Cabdiraxmaan Faroole Waxa u Wareegtadiisa ku sheegay In Duqa Degmada Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil, Ku Xigeenkiisa Cabdiqaadir Maxamed jicif, Iyo Golaha Degaanka Bosaso Ee U kala diray Dhamaantood yahiin kuwa Amniga Waxba ka qaban wayey, Sidoo kalena waxa u Ku Eedeyey Sii Gaar ah Duqa Degmada Inu Lunsaday lacag dhan 57 Milyan Oo Shilin Somali Ah

Waxa Caajib ah Oo Weliba la Yaab leh, In Cabdiraxmaan Faroole Ninkii U Shaqada ka Eryey oo weliba ku Eedeyey Wax Qabad La’aan, Iyo weliba Lunsasho Hanti Qaran Inu Maanta u Magacaabo Wasiir ka tirsan Golahiisa Wasiirada Ee U xalay Magacaabay

Cabdiraxmaan Faroole Ma Umulba Ilowshiya dhowa, Miyuu Hilmaamay Eedeyntii, Wax Qabad La’aaneed, Lacag Lunsashadii u Ku Eedeyey Iyo weliba tayo Daridii U Ku Tilmaamay Maamulkiisi Degmada Bosaso ???

Waxa Halka Ka Muuqata In Madaxweynaha aay la soo deristay Khalkhal Dhinac Maskaxda ah Iyo weliba Halkaasi oo aay Shacbiga Reer Puntland Uga cadatay In Madaxweynahoodu Uu Yahay Nin Aan Afkiisa Iyo Dhegahiisu Ismaqal Oo Aan Waxba kala Aqoon

W/Q Yusuf Jareer

Yusuf@TvStar.com

9 Responses

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. war yusuf jareer waa halaabey ee laiska ilaa loiyo PIA ta ayuu ushaqeyaa
    warar dilalka waxaas nin uqaabilsanaa in uu faafiyo waa isa wararka horseedmedia kaxishooto baa loo dhiibaa

  3. yusuf jareer hala iska ilaaliyo wararka PIA ta buu faafiyaa wixii horseedmedia kaxishooto baa loos oo dhiibaa

  4. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahi yusuf runta ayuu sheegaa lkn kuwa kale kan faruurta dheer bay ka baqaan faroole ma dad baa mase waa duunyo waa oday khalkhal oo waashay oo la aqoon wax haya bal muu u dhiibo wiil yar oo maskaxdiisu shaqaynso waa walan yaahy ilahay ha u miciino

  5. Ini xareed waxaa uu ka mid ahaa Masuuliyiinta gobolka bari lagu eedeeyay i wax qabad la’aan ,hataana waxa uu u magaasabay mid ka mid ah ku xigeenadiisa golaha wasiirada,ina xareed ma matalo reerka uu u joogo meesha go’aan cadna waa ay ka soo sareen ma aqaan in warbaahinta somalifans ay soo gaartay .
    waa colooshiis u shaqeense ,wax ma yaqaan ,danayste aan metelin degaankiisa.

  6. reerkisa waa ceebeeyay ina xareed madaama uu ku qancay wasiiru ku xigeen uuna ahaan jiray duqa magalada bosaso.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
    loooooooooooooooooooooooooooooooooool

  7. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. war yusuf jareer waa halaabey ee ha la iska ilaa liyo PS ta ayuu ushaqeyaa waxuu u qabilsan yahay qeybta sir doonka ee dadoow ha la iska ilaaliyo…….

  8. Faroole in la caayo waa wajiib sababtoo ah intuu xilka hayey waxaa la dilay wasiiro iyo madax badan waxbana kama qaban hadaba dadku wa in ay iska qabtaan mamulka ku koban garoowe oo u ciyaalkiisa amarka ka qaato Bulsha weynta puntland waa in ay meel kaga soo jestaan..

  9. yusuf jareer waxan ahayan raga maxamuud saleebaan caydooda ama magidooda mataqanid miyana kalaya su aal ma gabara baya ka kufsadeena waa reerkaas mise aday kufara xumeeyeen warayaa dhaqna xumidana miyadan wax iskula hareena faroole isag madaxwayne ah isagan suudoono kayeelaya lanagaabka mgrty khaasatan kuwaa kadhalatay mgrty ee afkaada saxo afkii wayan aad katimi wase

Comments are closed.