Marka Hore Waxan Salamaya Akhriste-yaasha Sharafta leh, marka Xiga waxan raba bal inaan Orahda ”Walle Isbdel kama Dhaco” Ulaa Jeedkeda Aan Halkaan Ka Iftiimiyo, Ruunti Ma Jeceli inaan Qoraal Dheer Halkaan ku qoro Aana Wax badan ka Faallodo Isbedelka Ka Dhacay Puntland Balse waxan raba inaan Akhriste-yaasha Tuso Wax yar oo Xaqiiq ah oo Uusan ka leexan karin Qofna, Ma Aqaan kuwa Fikirka Qaloocan mar kasta u jooga waxay iyagu ka oran doonan
Xuulida Mas’uul Iyo Awooda Madaxweynaha ???
Puntland Horta Marka Xaqiiq la rabo Madaxweynahu Waxa laga yaba inu Ikhtiyaarkiisa ku soo dooran karo Hal Ama Labo Wasiir, Intaa kale waa kuwa Odayaal Caqli Xumayaal Ah Aay u Keenen Kuwas oo ku dhaha ”Adeerow Ninka Aqoonyahan Weeye ee Xilka Hebel laga Qaadayo nogu Magcaw”, Madaxweynahuna isaga oo Aan Eegin Kartida Awoodeed Ee Ninkaasi Ayuu ku dhahi Marxaba Waan Oofiyey Beel Hebloy Ninka Aad Doorateen Ee Mas’uulka ah Xiita waxa laga yaaba inuusan dib u Eegin Aqoonta Iyo Kartida Wax qabad ee Ninkaasi u doortay
Issimo Ma Yahiin Kuwasi ???
Haddaba Caqli Xumayaasha Issimada isku Sheega Balse Ah Burcad Waran-leyaal Ayaa Ummada ka hortagan Isbedel, Mar kastana waa Iyaga kuwa Horumarka u diidan Puntland, hadii aan Caqligu Shaqeyna Waa kuwa Burburin doona Puntland Akhirkeeda Dambe ……
Issimada Xiligani Waa Aqoon-lawayaal
Waa Arxan lawayaal
Waa Eex Badanayaal
Waa Afku Noolayaal
Waa Eed Ka Taliyeyaal
Waa Ummad Halaajiyeyaal
Waa Amuus Iyo Aniga gooyey gar Naqsigoodu
Khibradoodu Waa Ari ayaan raaci jiray
Xiji Ayaan guuri jiray,
Arrimaha Siyaasada Hadan Ku Soo Bararugay
Marka kuwa Intaas Caqligoodu garsisan yahay Maanta inay Ummad Dhan Oo Higsan Himilo Iyo Aragti Dheeri U Taliyaan Waa laga fiican yahay, In Isbedelka Puntland-na iyagu yahiin kuwa hor jooga Waa xaqiiq qof kasta dareemi karo Ogyahana Marka u Ruunta Iyo Xaqiiqda Abaaro
Haddaba Puntland Goorma Isbedel Ka dhici kara ?
Waxa u ka dhici kara Marka u Madaxweynahu Xorriyad u helo Soo Xulida Golaha Wasiirada Iyo Dadka la shaqeyn doona oo aay meesha ka baxdo ”Adeerow Ninkan ii gee Booska” Iyo ”Kana u Qalma ee Booska ku tuur”, Xiligaaasi Puntland waa laga yaba in Isbedel muuqda u ka dhaco, balse Intaa taasi aay meesha ku jirin Xaaladu Waa ”Jugjug Meeshaada Joog”
Isbedelada Dhacay ???
Waa Caajib !!! Cabdiraxmaan Faroole Waxa U Isbedel ku sameeyey Gobolkii Bari, Waxa U Gudoomiyaha Gobolka U Magacaabay Sheekh Cabdixaafid Cali Yusuf Isaga Oo ku bedelay Xaaji Muuse Geelle Yusuf (Faroole), Waxa Xusid Mudan Labada Nin Waa kuwa isku Hal Qabiil ka soo jeedo, Sidoo kale waxa U Duqa Degmada U Magacaabay Beeldaaje Maxamud Beeldaaje Faarax, Waxana u Xilka uga Wareejiyey Cabdirisaaq Xareed Ilbir, Labadan Mas’uul ee dambena waa Isku Reer, Weliba Sii Hoose Waa Ehelo Dhow
Waxa Sidoo kale U Madaxweynahu Habeenimadii Xalay Isku Shandheyn ku Sameeyey Golaha Wasiirada, Waxa Xusid Mudan Qaabkii U Faroole U Bedelay Hoggaankii Gobolka Bari Mid la mid ah Inu u bedelay Golaha Wasiirada Ee U Bedelay, kuwa kalena Isku Habeyn ayuu ku sameyeey Ama Isku Shandheyn.
Waxan Xusi karna Wasiirki Hore ee Amniga Gen Cabdullaahi Siciid Samatar, Waxa u ku bedelay Wasiir Ku Xigeenkii Arrimaha Gudaha Yusuf Axmed Kheyr oo isagu ah nin Aay isku beel ka soo jeedan
Ma Sameeyey Isbedel Faroole ???
Mudane Cabdiraxmaan Faroole Ma Sameyn Isbedel ee waxa u Xilalka U kala wareejiyey Ragg Ilmo Adeer ah, Somaliduna Waxay Tirahda, ”Lafo Sagaaro labo Tun Oo la kala Qalo ma leh”, Marka Faroole Kaliya Nin Ayuu Ina Adeerkii Booska Uga Ciririyey, ee Isbedelkii Shacabku rabay ma Sameyn, Balse Waxa U Sameeyey Isbedelkii Issimada Kuwa Sheeegta Rabeen, Oo Ah Kii hore Waxa u Aha Kheyr Beele Ee Kan Cusub Ayaa Wanaagsan Waa Nin Hawlkar ah Iyo Ereyo La mid ah ayeyna ku soo Dhoweyn Doonan iyagu… Waana U Farxaad Iyo Guul
waryaa ninka qoray maqaalkan hagaban ee isa sheeg waxad tahay isimada aad caydana lagaga hari mayo waxad tahay duli foqal duli
boowe xaqa hadddii la qariyo feeruhuu ka dilacaa aad baan ugu diirsanay xaqa aad ka dhawaajineyso balse dadka dunidaan ku nool runta ma jeclo iyo cadaalada marka abuur lama badali karee qoraaladaa qeebteed sidaan ha u qeexin dadka dad runta dadka ku dilo aya jira oo wax ma garad ah boowe ee shaa dilaabso dadkaan illah uun ayaa toosin karo