United 2 Villa 1


Rooney oo bedel ku soo galay kulankii Galabta dhexmaray kooxaha Manchester United Iyo Aston Villa oo aha Finaalada Horyaalka Carlin Cup ayaa kooxdiisa ManUtd U Horseeday inay Markii labaad oo Isku Xiga ku guuleysto Horyaalkan, Sidoo kalena Aay u noqoto Kooxda markii Toddobaad oo aay qadato Koobkan Sawiro

Aston Villa ayaa la hormartay goolka waxana Daqiiqadii 5 u Dhaliyey Gool ku laad Xiddiga James Milner, Oo ka fa’iideysatay Khalad u Xiddiga Difaaca Kooxda ManUtd uga Ciyaara ee Nemanja Vidic ka galay Ciyaartooga Baalka midig Ee Aston Villa Gabriel Agbonlahor isaga oo ku dhex jira Xeerada Ganaaxa u kala tuuray

 

Balse Wax yar kadib Goolkii Milner ayaa waxa gool barbar dhac ah u keenay kooxdiisa United Xiddiga MiChael Owen, In kasta oo la bedelay islaa qeybtii hore ee Ciyaarta, Isaga oo lagu soo bedelay Rooney Oo noqday Xiddiga Kooxda United kadib baqoolidii Cristiano Ronaldo Ee Real Madrid

Wayne Rooney ayaa dhaliyey goolka labaad oo aha midka United ku qaday Horyaalka Carling Cup Sanadkii Labaad, Waxana u goolka Saxiixay iyada oo Ciyaarta aay ka dhiman tahay Rubuc Saac

 

Ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka Weyn ee Wembley iyada oo aay u soo daawasho tageen in ku dhow 88,596 Taageere

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers