Isbedelka Maamul Ee Gobolka Bari ???

Labo Wareegto oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Ayaa lagu bedelay Gudoomiyahi Gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle, Duqii Degmada Cabdirisaaq Xareed, ku Xigeenkisi Cabdiqaadir Maxamud Jicif, Sidoo kalena Faroole Waxa U Wareegtada Lambarkedu yahay Lr. 17 25/2/2010 U Madxweynahu ku kala diray Golahii Shacabku doorteen

In kasta oo Faroole Labada Mas’uul bedelay hadana ma sameyn isbedel weyn oo la taaban karo waayo waxa u Kurasta u kala qaday Ragg Isku Heyb ka soo jeeda, Oo Ilmo Adeer ah

Labada Nin ee u Xilka u kala magacaabay Gudoomiyaha Gobolka ee Cusub Iyo Duqa Degmada Ee Cusub, Labaduba waa labo Nin Oo Itixaad ah, Waxana labada ninba Aad aay ugu dhow dhow yahiin Kooxaha Islaamiyiinta ah, Maxamud Beeldaaje Iyo Sheekh Cabdixaafid Cali Yusuf waxa la dhahi kara Doorashadooda wax badan kuma soo kordhin doonto Ammaanka Waayo labada ninba ma leh Firfircooni Iyo Karti wax qabasho waana labo nin oo aad u jilicsan marka sii u Eegto

Sheekh Cabdixaafid Cali Yusuf Waxa u aha Maamule ku xigeenkii Dugsiga Imaamu Nawawi, Waxa u kala saari waayey labo Cunug oo dugsigiisa dhigta Ee Sidee u kala saari kara Gobol dhan oo Madaxa iskula jira ???, Waxa la dhahi kara Faroole Waxa u lumin Kalsoonida Shacabka Madama uusan Isbedelkii loo bahna ka sameyn Gobolka Bari Ama magaalada Bosaso oo intaa badan ah Meesha Maamulka Gobolka Bari kaba shaqeyo

Maxamud Beeldaaje Faarax isagu Waxa u hore u soo qabtay dhowr xil dhamaana ma dhaafsisneyn Wasiiru Dowlo Iyo Wasiir ku xigeen, Ruuntina waa nin aad u qabow oo qunyar socod ah, mana la dhahi karo waxa u leyahay Karti Iyo Awood uu Ku Maamulo Dowlada Hoose ee Bosaso oo aay ka buuxan Burcad Iyo Tuugo Mar kasta Hantida Ummada lunsigeeda u tagan

Kuwasi oo Cashuurta Laga qaado Shacabka Jeebkooda ku Shubta, Waxana Tuugtaasi yahiin kuwa aay waxba ka qaban Wayeen dhamaan Gudoomiye-yaashi Degmada Soo maray, In kasta oo Intaa badan iyaguba ahayeen kuwa la shaqeysta Burcada oo Wax la cuna

Waxan dhahi karna Xaqiiq marka la Eego Oo Ruunta la isku sheego Maamulkani ma aha Mid u qalma Degmada Iyo Gobolka Bari intaaba

Marka dhinac kale Eegto Ruuntii waa loo bahna Isbedel lagu sameeyo Maamulka Iyo Madaxda Ciidanka ee Gobolka Madama aay iyagu Qeyb ka yahiin Dhibaatada jirta, Balse Faroole Waxa loga fadhiyey Doorasho Ragg u qalma Xilkan kana soo bixi kara Khibradna u leh, Ee ma aheyn inu ku soo laabto Ragg Iskuulada Iyo Masaajidada iska fadhiya oo aan waxba ka aqoon Siyaasada Iyo Halka Xaal Marayo

2 Responses

  1. Tafatiraha web somalifans aad ayuu mahad san yahay,dabacan aragtidiisa ayuu ka dhiibtay tafatiruhu.

  2. waan ku faraxsan naahya doorshada cabdixafid cali yusuf waa nin wanaagsan oo daacad ah waxan lenahay hadan nahay ardayda china hamabalyo hambalyo noqo mid xilkiisa ka soo guduuta

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers