Afhayeenkii Hore ee Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa isaga oo ka hadlaya Magaalada Kismaayo waxa u ugu baaqay Wilaayada Islaamiga ah ee ka Arrimisa Jubboyinka inay dhowran dadka Shacabka ah ee Gobolada oo Muddoyinkan dambe ka cabanaya Cadaadis xoog leh oo u Maamulka Degaanku ku hayo, Waxana u sheegay in taasi aysan aheyn wax loo bahan yahay balse loo bahan yahay in Shacabka loo turo oo La xaqdhowro
Sheekh Mukhtaar Abu Mansuur waxa sidoo kale u Xusay in Shacabka Jubbooyinku yahiin kuwa mar kasta garab tagan Islaamka taageerana mar kasta yahiina dadka xili kasta u dagaalama Islaamka
Waa markii ugu horreysay ee Hoggaamiye Alshabaab Ah U yirahdo Shacabka ha loo naxo, waxana hadalka Abu Mansuur u ka helay Shacabka Kismaayo ku dhaqan soo dhoweyn aad u balaaran