Cabdiraxmaan Yabarow Sidee Isku yahiin Somaliga, Mase Aragtay Qoraalada U Soo Diyaariyey???

Waa qoraal Hordhac ah oo u qoray yabaroow,asgoo u gudbiyay wariyaayashii markaas sida live-ka ah ugu jiray studioroom- ayagoo marka ku guda jiray barnaamij looga hadlayay wiilkii Nigeriyaanka ahaa ee qarxin gaadhey diyaaradii Maraykanka 25-kii bishii December ee sanadkii tegey

Jicif ”Cabdirisaaq Xareed Saaka Ayuu Garoowe Aaday”

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Bosaso Cabdiqaadir Maxamed jicif ayaa sheegay in Degmada Bosaso aay soo dhoweyn xil ka qaadista lagu sameeyey, isla markana ay been tahay inay ku gacan sayreen Xil ka qaadista lagu sameeyey, Isaga oo u waramaya Warbaahinta Maxaaliga ah ayuu yiri Mr Jicif ”Khamiistii waan maqalnay in xilka nalaga qaday

Nabadoon Dhunkaal ”Madaxweynaha Iyo Shacabkisa Waa la kala Fogeeyey”

Nabadoon Bootaan Dhunkaal Yusuf oo ka mid ah Golaha Nabadoonada Gobolka Bari Ayaa sii diiran u soo dhoweeyey Xil ka qaadistii U Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ku sameeyey Maamulkii Gobolka Bari, Isaga oo sheegay in Golaha Nabadoonada Gobolka Dhamaan aay si diiran u soo dhoweyn Xil ka qaadista, Isaga oo ku tilmaamay talaabo Wanagsan

Roobab Lagu Qabowsaday Oo Ka da’ay Magaalada Hargeysa Iyo Nawaxigeeda

Roobab lagu qabowsaday ayaa ilaa xalay ka da’ayay magaalada Hargeysa iyo Weliba degaano ku xeeran oo ka mid ah meelaha ay saameeyeen Abaaraha dalka ka jira ee ay dhawaan Xukuumaddu qaylo-dhaanta ka soo saartay

Chelsea Oo lagu dubtay Stamford Bridge

Kooxda Manchester City ayaa Qahartay Kooxda U Tababaraha ka yahay Carlos Ancelotti iyada oo uga guuleystay Afar Gool Iyo Labo, Waxana Goolka La horumaray Kooxda Martida loo aha Ee Chelsea Waxana u saxiixay Xiddiga Frank Lampard, Balse Labo Daqiiqo kadib Goolkii Lampard Waxa Jawaab ka bixiyey Manchester City

Urur Cusub Oo Loga Dhawaaqay Degmada Ufeyn Ee Gobolka Bari

Magaalada Ufayn Waxaa lagu qabtay xaflad lagu daahfurayay Urur Cusub oo la yiraahdaa Ururka Isku Xidhka dhalinyarada deegaanka Ufayn, Waxaana Xafladan ka dhacday dugsiga sare degmada ufayn Sawiro

Xaaska Riyaale Oo Maalintii Afraad U Xiran Yahay Abshir Xasan Xaashi

23 Bishan Maalin Salaasa Ah ayaa ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu Xabsiga u taxaabeen Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsana Saraakiisha Xisbiga Kulmiye, Waxana laga qabtay Sarkaalkan Wadada bartamaha Magaalada Hargeysa, Waxana Ciidanku ku samayeen Jirdil iyada oo la sheegay in Xarigiisa aay ka dambeyso Marwada Madaweynaha Huda Barkhad Aaden, uuna ilaa hada iyada Xabsiga ugu jiro [...]

Caruur Shuban Biyood U Geeriyooday

Ugu yaraan Saddex Caruur ah ayaa ugu geeriyooday Isbitaalka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cudurka Shuban Biyoodka oo halkaasi ka dilaacay, Waxana la sheegey ilaa 14 kale aay la ildaran yahiin Isla Cudurka Shuban Biyoodka ayna u jiifan Isbitaalka Magaalada oo hada lagu dabibayo

Daahir Muuse Abaar ”Ninkaasi Wakiilkiisa Ayaa Lagu Amray Inuu 48 Saacadood Dalka Kaga Saaro”

Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa amar ku bixisay in dalka laga mastaafuriyo ninka dhalashadiisu tahay Ruushka ee loo xidhay gabadhii yarayd ee Caasha Maxamud Xasan ee dhawaan khiyaamada lagaga soo xaday magaalada Qardho ee maamul goboladeedka Puntland in mudo 48 saacadood ah dalka lagaga mustaafuriyo

Isbedelka Maamul Ee Gobolka Bari ???

Labo Wareegto oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Ayaa lagu bedelay Gudoomiyahi Gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle, Duqii Degmada Cabdirisaaq Xareed, ku Xigeenkisi Cabdiqaadir Maxamud Jicif, Sidoo kalena Faroole Waxa U Wareegtada Lambarkedu yahay Lr. 17 25/2/2010 U Madxweynahu ku kala diray Golahii Shacabku doorteen

Abu Mansuur ”Shabaabka Jubbooyinka Waxan ka Codsan Inay Dadka Dhowran”

Afhayeenkii Hore ee Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur ayaa isaga oo ka hadlaya Magaalada Kismaayo waxa u ugu baaqay Wilaayada Islaamiga ah ee ka Arrimisa Jubboyinka inay dhowran dadka Shacabka ah ee Gobolada oo Muddoyinkan dambe ka cabanaya Cadaadis xoog leh oo u Maamulka Degaanku ku hayo

Wafdi U Hoggaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Puntland Oo gaaray Caluula

Wafdi Balaaran oo u Hoggaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Ayaa gaaray degmaada Caluula ee Gobolka Bari, iyaga oo halka kaga qeyb geli doona Caleema Saarka Beeldaajaha Cal Bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yasiin oo Maalinimada Beri ah ka dhici doonta Degmada Caluula

Xukuumaddu Maxay Ta tidhi in Ciidamo Jabuuti leedahay la Wareegeen Magaalada Saylac?

Taliyaha Ciidamada Xeebaha galbeedka Somaliland Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa ka hadlay war ku saabsan Ciidan ka socda Dalka Jabuuti oo la sheegay in uu la wareegay Magaalada Saylac oo beri la filayo inay ka dhacdo Caleemo-saarka Ugaaska Beesha Ciisaha. Waxaanu sheegay in Madaxweyne Rayaale

Cumar Cabdirashiid Vs Aaden Madoobe

Qaar ka tirsan Xildhibaan Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya oo maanta shir ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inu Waqtigii ka dhamaaday Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Xildhibaanada ayaa sheegay in 22 Bishan aay ku Eekeyd Waqtigii Ra’iisal Wasaaraha loona bahan

Ibraahim ”Waxa Nalagu Sameeyey Dulmi Iyo Cadaalad Darro”

Ibraahim Kulmiye Waxay Walaalo yahiin Faarax Kulmiye oo ku geeriyooday Magaalada Garoowe 22 Bishan oo aheyd Maalintii U Madaxweynaha Puntand dalka Dib ugu soo laabtay, kadib markii u jiray Marxuum-ka Gaari U Leyahay Nin la sheegay inu yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, Ibraahim Kulmiye ayaa sheegay in Walaalkii oo aha nin Guryaha dhisa [...]

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers