Markab Madax Furasho Laga Bixiyay

Ciidamada badda ee Yurub ayaa sheegay in madax furasho ah laga bixiyay markab lagu haystay xeebaha Somaliya

Afhayeenka ayaa sheegay in lacagta la bixiyay maanta oo Jimce ah, waxaana uu tilmaamay in uu rejaynayo in Budhcaddu ay 24 saac gudohood ku sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran

Ilaa iyo imika shaaca lagama qaadin tirda lacagtaasi la bixiyay

Markabkan oo ahaa nooco Kiimikada qaada lagana lahaa dalka Singapore ayaa la qabsaday Horaantii bishii January ee sanadkan

Shaqaalaha saaran markabkan ayaa isugu jira 17 u dhashay Indonesia iyo 5 u dhashay China, iyo mid u dhashay Vietnam

Intabadan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Somalia ayaa badbaadiyay weeraro ka dhacay agagaarka xeebaha u dhow Somalia.

Hase ahaatee budhcadbadeedda ayaa bilaabay in ay maraakibta ka soo afduubaan gudaha Badweynta India

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers