Shaley oo Taariikhdu aheyd 25.02.2010 Wasaarada Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowlada Puntland waxa ay soo saartey bayaan caalami ah oo ay kalsoonida kala noqotay Ururka Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, kaasoo ay ku eedeysay in aysan matalin dhamaan bulshada Soomaaliyeed
Dhegeyso
Akhristaasha sharafta leh ee durbadiiba la soo xiriiray bogga Allidamaale si cajiib ah bay ugu riyaaqeen go’aanka Dowlada Puntland, maadaama in mudo ah ay ka cabanayeen musumaasuq baahsan, cadaalad xumo, wax qabad la’aan, iwm. Waxaa la wada xusuusan yahay dhaqaalihii badnaa ay lunsadeen shakhsiyaadka ururkaan hor boodayey 20kii sano la soo dhaafey. Gaar ahaan dhaqaalihi badnaa ururka caalamiga ee kubada cagta looga qaatey dayac tirka garoonkii kubada cagta ee Muqdisho oo la oran jiray Istaadiyo Konis
Waxaa la yaab leh isla markaasina xambaarsan caro xad dhaaf ah, 20kii sano ee la soo dhaafey sida ay shaqsiyaad rag iyo dumarba leh oo ku abtirsada degaanada Xamar iyo nawaaxiga ku heerarsan ay ugu takri faleen magaca Soomaaliya guud ahaan.
Sida la wada ogsoon yahay 95% madaxda dhamaan ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed (isboortiga, waxbarashada, caafimaadka, xuquuqal insaanka, iwm) waxa ay ka soo jeedaan qayb ka mid ah beelaha Xamar dega kuwaasoo ka faa’ideysanayaa magaca caasimada.
Haba yaraatee shaki kuma jiro in shakhsiyaadkaan si xad dhaaf ah looga xishooday, waliba iyadoo si buuxda loo ogsoon yahay qaylada iyo bulxanka ay afka labadii yeeri lahaayeen haddii degaankoodu ka duwanaan lahaa midka caasimada
Hadaba tilaabada taariikhiga ah ay qaadey Wasaarada Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowlada Puntland waxa ay mudan tahay amaan iyo taageero ballaaran.
Akhristayaasha sharaftla leh ee bogga intooda badan waxa ay rajeenayaan kuna boorinayaan laamaha kale ee Dowlada iyo Bulshada Rayidka Puntland in ay sida ugu dhaqsi badan ugu daydaan tilaabada aad u wanaagsan ay qaadey Wasaarada Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga
Dulqaadka xad dhaafka ah ee soo jiitamayey 20kii sano ee la soo dhaafay qolaba si bay u akhrisatay. Reer Puntland waxa ay u akhristeen gobanimo iyo xisaabtaan ka carar iyo rajo ah in mar uun xishoon doonaan, ka dibna ay is qabtaan. Shakhsiyaadka Xamar dega ama kasoo jeeda waxa ay u akhristeen firfircooni xumo, dheg weyni, jaahilnimo iyo isla weeyni aan sal laheeyn oo ay ku caan baxeen reer Puntland
Waxa aan shaki laheeyn hadii aan sida ugu dhaqsi badan xal caadalad ku dhisan loo helin arimahaan muhiimka ah in mar aan fogayn reer Puntland ay dhabarka u jeedin doonaan Xamar oo noqotay halaq mareen, saldhiga kansarka Soomaaliya oo dalka u diidaan soo noqoshada sharciga iyo nidaamka Dowliga
Dowlada iyo Ururada Bulshada rayidka Puntland waxaa laga dhowrayaa in ay laba jibaaraan dadaalkooda ku wajahan wax qabadka laga dhowrayo si ay isaga fogeeyaan sumcad xumada ay magaca Soomaaliyeed u soo hoyeen shakhsiyaadka kor ku xusan. Nasiib daro sumcad xumadaas aduunka oo idil baay ku baahdey.
Ugu dambaayn reer Puntland dhaliisha ugu waayn waxa ay saarayaan Wasiirada iyo Xildhibaanada DFKMGS ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Puntland kuwaaso oo gabi ahaanba kaalintooda gabay, kuna mashquulay sandareerto dulinimo