Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Oo Ka Hadlayaa Xaaladda Somaliya laga Soo Bilaabo 1969 Ilaa Maanta

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waa ruug caddaa siyaadda Soomaaliya

Waxaa uu si xoog leh uga qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii Gobannima Doonka loo galay Soomaaliya

Wuxuu noqday Raiisal Wasaare, markii uu xilka hayay Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Adan cabdulle Cusmaan Radio SomalifansDhegeyso

 

Cabdirisaaq, waxay dad aqoonyahanno ahi ku tilmaameen in uu ku dhaqmi jiray maamul hufan, oo la dirira xatooyada hantida Umadda.

Barnamijkan Falanqeynta, wuxuu uga hadlayaa, laga soo billaabo 1969, markii ay militerigu la wareegeen awoodda Soomaaliya ilaa iyo maanta marxaladihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Wuxuu si gaar ah u eegayaa wadahadal dhex maray Wasiirka Difaaca ee 1969, Hilowle Macallin iyo Salaad Gabaryre oo uu ku tilmaamay in uu sarkaalka u xil saaran in uu sameeyo afgembiga.

Waxaa uu ka warramaya xabsigiisii ay ku wada jireen Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan.

Xabsiga markii laga soo daayay cabdirisaaq, waxaa uu noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Siduu ku aqblay? Maxaase uu ka qabtay xafiiskaas intii uu joogay?

Hadda rajadiisa Soomaaliya maxay tahay?

Maxamed Xaaji Xuseen 
BBC Somali Minneapolis