Mourinho Oo Cashar U Dhigay Kooxdiisi Hore


Ciyaar Habeenimadii Xalay ku dhexmartay kooxaha Inter Milan Iyo Chelsea Garoonka San Siro ayaa ku dhamatay Labo Iyo Hal oo aay guushu ku raacday Kooxda Inter Milan Oo U Hoggaaminayo Tababarahii Hore ee Chelsea Jose Mourinho + Sawiro

Goolka Kowaad Iyo Midka Labaad ee Inter Milan waxa labadaba U Saxiixay Xiddigo Reer Argentina Ah Kuwas oo kala ah Diego Milito Iyo Weliba Esteban Cambiasso

Goolka Qura ee Chelsea waxa u saxiixay Xiddiga Salomon Kalou Daqiiqadii 51 Ee Qeybtii Dambe Ciyaarta

Jose Mourinho

Jose Mourinho Ayaa booqan doona Garoonka Kooxdisi Hore ee Chelsea Stamford Bridge kulanka Dambe Ee Ciyaartan oo dhici doona 16 Bisha Dambe ee March

Dhinac Kale Kooxda CSKA Moscow Iyo Sevilla Ayaa iyaguna isku agdhacay Kulan ka tirsana Wareega 16 Ee Horyaalka Kooxda Yurub Uefa Champions League Oo Xalay La Ciyaaray

Sawirada Wakaaladaha Wararka

One Response

  1. aad iyo aad baan ugu faraxsanahay sida looga badiyey kooxda chelsea ciyaartaas aad baan ugu faraxay sida looga badiyey chelseaa waxaana rabaa inaa lagareeebo koopkaan waslaamu caleykum

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers