Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari ayaa ka codsaday Odayaalka Iyo Waxgaradka Reer Xaradheere Isu taga Xaalada Paul Iyo Rachel Chandler oo ah Lamaane British Ah oo lagu heysto Degaanka Xaradheere, Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari ayaa sheegay in ay sii weyn uga codsan Odayaalka Iyo Waxgaradka reer Xaradheere inay u Istaagan sii deynta Dadka Wayeelka ah ee lagu heysto degaankooda Muddada ka badan Ku Dhow Afarta Bilood
Nabadoon Cabdiqaadir Oo u Waramayey Warbaahinta Maxaaliga Ah Ee Bosaso ayaa sheegay inay aad uga xun yahiin Heysashada dadkaasi, Isga oo codsaday in arrinka dadkaasi loo Istago, Hoostana ka xariiqay in Reer Xaradheere Maanta loga fadhiyo sii deynta dadkaasi sii walba ha ku qadatee
Waxa u Sheegay in loo bahan yahay in Reer Xaradheere Aay qabtaan Wax lagu farxo, Waxana u sheegay in aay awoodan Inay dadkaasi badbaadiyan, Sharafta Ummada Somaliyeedna dib u soo celiyaan
Waxa u sheegay in aay Aaminsan yahiin in raggaasi wax laga qaban karo oo aay ka mid yahiin in wax laga qaban karo sidaa, In biyaha laga gooyo in la weeraro, waxa u sheegay inay Reer Xaradheere wax badan qaban karan hadii aay daacad ka tahay arrinku, waxa u sheegay nabadoonku in arrinkaasi aay tahay Dulmi iyo Dhibaato loona bahan yahay in lagu tirtiro gacmaha
Waxa u sheegay in Kooxaha Burcad badeeda ah aysan aheyn kuwa Sharaf leh, balse yahiin kuwa Lacag kaliya u jeeda, taasina loo bahan yahay in Reer Xaradheere wax ka qabto Sidaa u hadalka u yiri
Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim ayaa mar la weydiiyey inuu baaq u dirayo Kooxaha Burcad badeeda ah ee heysta Lamaanaha British-ka ah u sheegay inuusan wax baaq ah u direyn ragga madama aay yahiin Mooryaan Aan illaah Iyo Islaan midna Aqoon, Waxana u sheegay inay yahiin kuwa Magac Xumo u soo jiiday Degaankooda, Iyo weliba Guud ahan Ummada Somaliyeed
”Mooryaan Ugama Fadhino inay sii daayan Lamaanaha Ingiriiska ah, Balse Shacabka Reer Xarardheere ha kaco oo Qab kasta oo arrinka wax loga qaban karo ha sameeyo, Waxana suugi in Xarardheere aay ka soo baxdo Maalmaha soo socda War lagu Farxo oo Dhamaan Ummada Somaliyeed Farxad geliya iyo weliba dadkii Lamaanahan aay ka dhasheen” Ayuu Yiri Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari ee Puntland Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim
Hadalka Nabadoonka ayaa u muuqday mid lagu guubabin Shacabka degaankaasi Xarardheere inu la dagaalamo kooxaha Burcad badeeda ah isla markana xoog ku soo furto Lamaanaha British-ka ah, taasina ma muuqato weli inay tahay mid suurta geli doonta
Baaqayada loo gudbin kooxaha heysta Lamaanaha Wayeelka ah Iyo Odayaalka Xarardheere ayaa ah kuwa Maalinba Maalinta ka dambeysa sii kordhaya, Waxana muuqata inaan weli wax Jawaab ah aan laga heyn Kooxaha Burcad Badeeda ah ee heysta Paul Iyo Xaaskiisa Rachel oo aan ka aheyn Lacag Madax Furasho ah ayaan rabna
A/C, aniga oo ka tirsan bulshada somaaliyeed gaar ahaan kuwa uu nabadoonka nabadoonnada gobolka bari ku guubaabinayo inay u istaagaan ka sii deynta lammaanaha masaakiinta ah ee ay haystaan burcad badeedda ma naxaanka ah.
Ugu horrayn waxan uga mahad celinayaa nabaddoonka qaaligha ah ee wanaagga noo tilmaamaya kaas oo ah xilkiisii rasmiga ahaa, waxanna anigu u aqaanna nabadoonka nabaddoonnada soomaaliyeed.
Sidoo kale nabaddoon waxgaradka reer xarardheere iyo dhammaan ummadda soomaaliyeedba horay ayey uga hadleen baaqyo badanna u direen dibed iyo gudaba waxaadna ka heli kartaa in badan oo ka mid ah warbaahinta soomaaliyeed.
Sidoo kale mudane samadoon, waxan ku xusuusinayaa in aanay reer xarardheere haysan lammaanahaas ingiriiska, aysanna haysan burcad badeed ka soo jeedda xarardheee haysanna karin, ee waxa haysta dawladdooda iyo dawladaha kale ee maraakiibtoodu ku ilaaliso burcad badeedda dhaca iyo dhibka ay ku hayaan soomaalida iyo shucuubta kale ee dunida, waxaadna ogtahay marka ay qabtaan ee ay ogaadaan in ay burcad badeed yihiin in ay sii daayaan iyagoo weliba biyo iyo baadba siiya.
Waxaad ogtahay in dowladaha faraha badan ee baddaada soomaaliyeed tuban ee sheeganaya inay badda ka ilaaliyaan burcad badeed, aysan ka ilaalin ee ay ku ilaaliyaan ciddii isku dayda inay la dirirtana iyagaa difaacaya.
ilaah baan kugu dhaariyee mudanae nabaddoon dembigaaga allaha dhaafee madaxaagana noo raajiyee, ma kula tahay dowladihii dunida ugu waaweynaa iyo maraakiibtii dagaalka ee casriga ayaa wax ka qaban waayey wiilal yaryar oo aan 20 sano dhaafin oo aan cilmi adduun iyo mid aakhiro midna lahayn weliba baahan oo wax ay haystaan aysan jirin aan ka ahayn waxay iyagu siinayaan oo xataa haddii ay hanti haystana aan haysan meel ay ku gabbadaan oo ka duwan bad weyntaas.
Ugu dambayn waxan uga baxayaa ilaahay ha noo keeno xal aan uga gudubno qabiilka iyo qurunka keenay in bad iyo berriba nalagu dhibaateeyo oo aan midowno.
Allaa mahad leh.