Kaddib Guul Daradii Maalinimadii Sabtida ka soo raacday Kooxda Manchester United Garoonka goodison park Ee kooxda Everton, Ayaa Habeenimadii xalay Saddex Iyo Waxba uga guuleystay Kooxda West Ham United Kulan la soo horumariyey, madama kooxda Manchester United aay Maalinimada Axda ee Soo socota la ciyaari doonto Kooxda Aston Villa Final-ka Koobka Caling Cup
Xiddiga Wayne Rooney ayaa dhaliyey labo Gool oo ka mid ah Kuwa guushu ku raacday United Daqiiqadahii 38 Iyo 55 Ee Qeybta Hore Iyo Qeybta Dambe ee Ciyaarta
Goolka Saddexaad Ee United ayaa waxa Shabaqa West Ham Dhex Dhigay Xiddiga Bedelka ku soo galay ee Owen Toban Daqiiqo ka hor Dhamaadkii Ciyaarta
Xiddigaha Ben Foster, Darron Gibson Iyo Anderson ayaa aha kuwa ku cusub Ciyaaraha United iyaga oo in muddo ah kursiga keydka ku jiray, Sidoo kale Xidiga Nemanha Vidic ayaa Ciyaaray kulankii ugu horreyey Sanadka Cusub ee 2010 isaga oo ka dhinac Ciyaaray Xiddiga Wesley Brown, Difaaca kale ee Kooxda Rio Ferdinand ayaa isagana Waxa Ciyaartan ugu Eeka ganaax la saaray Afar Ciyaar oo Isku Xigta