Gudoomiyahii Hore Ee Kooxda Ahlu Bidcada Ee Gobolada dhexe Cumar Sheekh Faarax Oo Ka Caroodey Kooxda Dhusa-Mareeb

Gudoomiyihii hore ee kooxda Ahlu-Bidcadda Dhuusa-Mareeb ee isku magacaabay Ahlu Sunna Waljamaaca Cumar Sh Maxed Faarax ayaa soo gaarey magaalada Muqdisgu iska xaadiriyey Goobta ay iska xaadiriyaan Kooxaha Guuldareystay Sida Yusuf Inadhacadde iyo kooxdiisii

Cumar sheikh Maxamed Faarax oo hoaray u ahaan jirey Gudoomiyihii hore ee kooxda Ahlu-Bidcadda Dhuusa-Mareeb ayaa lagu soo waramayaa in uu halkaasi ka soo caroodey kadib markii laga qaaday xilkii gudoomiyenimo uu ee halkaasi ka hayey

Arinkan ayaa timid kadib markii Isbahaysigii Ahlu-Bidcadu uu soo foodsaaray burbur weyn kaasi oo kalifay in beelihii leysugu keenay Guriceel iyo Dhuusamareeb ay intooda badani halkaasi ku kala tageen oo uu qilaaf hareereeyey.

Cumar Sheikh Maxamed Faarax ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis hoose lagalay Culumaa udiinka Alhusuna Waljameeca eek u sugan Magalada Muqdishu oo uu Afyeenka uyahay Sheikh Soomow oo isagu horay usheegay in Culumada Ahlu Suna Waljameeca aysan wax shaqo ah ku laheyn Dagaalada k Socda Gobolada Dhexe ayna yihiin kooxdaasi koox u adeegata Cadowga Itoobiya

Kadib kulan uu Cumar Sheikh Maxamed Faarax la yeeshay Ahlu Sunada uu Hogaamiyo Ina Sheikh Muxuyadiin Celi uuna Afayeenka u yahay Sheikh Soomow aya awaxaa suuro gashay in manta ay ugudbiyaan dhinaca Madaxtooyada Villa Somaliya oo ah halka ay kooxaha soo caroodey ama soo fashilmay ay u cararaan

Ma aha markii ugu horeysey ee kooxsoo carootey ay ugasho Kooxda Shariif waxaa halkaasi horay habeen madow u galay oo u baxsaday Yuusuf Indhacadde iyo koox uu horboodayey waxaana la filayaa in kooxo badani ay halakaasi geli doonaan waayo ninwalba oo waxa uu ku howl gelayo aysan dhab ka aheyn salkiisu waa in uu Gaalo isu dhiibo oo ay Gaalada AMISOM ilaalo ka noqdaan amaankiisa.

Cumar Sheikh Maxamed Faarax ayaa hada umuuqda in uu doonayo in uu xubin ka helo DKMG inta aan kooxdii uu ka gadoodey oo Wada hadalo kula jira DKMG ah aysan qeybsan Xubnaha laga siin doono Dowladda Shariif ee iyadu ku soo aruurtay Madaxtooyadii horre ee Somaliya.

Kulanka manta ayaa waxaa Cumar Sheikh Maxamed Faarax ku wehliyey Koox Culuma ah oo uu horboodayey Sheikh Soomoow oo isagu si weyn uga soo horjeedey Dagaalada ay kooxaha ku qaraabta magaca diimeedka ee Itoobiya u adeega ay ka wadeen Gobolka Galgaduud Waxaadna halkaan ka dheehan kartaan sawirada ay ku wada jiraan SOomow iyo ina Sheikh maxamed Farax

Waxa Qoray Cali yarre

Virginia, USA

Cyarre@hotmail.com