Hoggaamiyahii Ururka Jundullaah Ee Iran Oo La Qabtay

Hoggaamiyahii Ururka Jundullah (Askaartii Alle), Abdul Malik Rigi Ayaa la sheegay in la qabtay Sidaa u Shaaciyey Tv-ga Press TV, Mr Rigi ayaa qabashadiisa waxa ka soo baxaya Warar is Khilaafsan, Dowlada Iran ayaa sheegtay Inay iyadu qabtay, Halka Pakistana aay sheegtay inay Iran iyadu ku wareejisay +Sawiro

Wasiirka Sirdoonka Heidar Moslehi ayaa ku sheegay Shir jaraa’id in Abdul Malik Rigi la qabtay isaga oo doonaya inu u Safro dalal ka mid ah kuwa Yurub, Waxana u sheegay in dowlada Mareykanku u sameysay Passport Afganistani Ah, Isaga oo doonayey inu ka dhaafo dalka Pakistan

Lakiin Hadalka Wasiirka Sirdoonka Iran Ayaa waxa sii kulul u Beeniyey Mas’uuliyiinta Mareykanka oo sheegay in Eedeymaha Wasiirkaasi yahiin Kuwa Been ah

Sidoo kale War lagu sheegay Tv-ga Alalam ee isaguna dalka Iran laga leyahay ayaa la sheegay in Abdul Malik Rigi lagu qabtay Gobolka Sistan Baluchistan ee Konfuur Bari Iran, Lakiin Tv- Dowlada Iran Leedahay ayaa isagu hadal ka duwan mid-ka Alalam Sheegay, Waxana u Tv-gaasi Sheegay Isaga oo Soo Xignaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran Mostafa Mohammad-Najjar in Abdul Malik Rigi Iyo Ragg Kooxdiisa ka tirsan laga soo qabtay Dibada Meel ka ah Iran, Kadibna loo soo gacan geliyey Dowlada, Mana Sheegin dalka soo gacan geliyey ee dibada ah, In kasta oo u sheegay inay dhowaan Arrimaha Tafaasil ka bixin doonan

Press TV ayaa isaguna sheegay in Rigi lagu qabtay Diyaarad ku sii jeeda Dubia Iyo Kyrgyzstan oo ku tala Bartamaha Asia

Gudoomiyaha Gobolka Sistan Iyo Baluchistan ayaa isaguna u Sheegay Tv- Xukuumaddu leedahay In la qabtay Abdul Malik Rigi kadib Markii Muddo Bil ah la Ururinayey Macluumaad Lamaaha Sirtu Heleen

Ilaa hada Xukuumadda Iran war sax ah lagama hayo oo ku Sabsan Qabashada Hoggaamiyahii Ururka Jundullah (Askaartii Alle) Ee Suniga Ah, Abdul Malik Rigi, Waxase cad in Dowlada Iran guul weyn u tahay Qabashada Ninkan oo ku aha Iran laf Dhuun gashay, iyada oo Ururkiisu In badan ka Dambeeyey Qaraxyo Iyo Dilal lagu dilay Saraakiil badan oo ka tirsan Xukuumadda Iran

Waxa Soo Turjumay Maxamed Joowe

Xigaal – Wakaaladaha Wararka Dunida

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers