Ehelada Gabar Yar Oo Dhaawac Culus Ka Soo Gaaray Duqeyntii Suuqa Oo Xoolaha Oo Dalbaday Gargaar


Ehalada gabar si xun ugu dhaawacantay duqeymihii ku dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay gacan u fidiyaan

 Gabadhan yar oo la sheegay in ay ku dhaawacantay duqeymihii Madaafiicda ahaa ee Bishii Janaayo loo geystay xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan deegaanka Buulo Bareey ayaa waxa ay sheegeen qaar kamid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed in aan waxba looga qaban Karin gudaha dalka Soomaaliya sida uu inoo sheegay Aabaha Dhalay Raxmo Cali oo ah gabar da’deeda uu ku shegay in ay tahay 1-sano islamarkaana la liidata dhaawacyadii soo gaaray

Aabaha Dhalay gabadhaasi Dhiban oo lagu magacaabo Cali Xuseen Maxamuud ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyay sida ay xaaladeedu tahay gabadhan dhibaateysan

Waxa uu sheegay in Gabadhan ay dhaawacantay 31-kii Bishii Janaayo ee la soo dhaafay isagoo sheegay in ay ku dhaawacantay deegaanka Buulobareey oo katirsan Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa.

Wuxa uu tilmaam ka bixiyay meelaha ay gabadhan dhaawaca ka qabto isagoo sheegay in ay dhaawac ka qabto dhowr meelood oo ay kamid yihiin Dhabarka, Lugta Bidix, iyo Caloosha hase ahaatee waxa uu sheegay in ay ugu darantahay dhaawacyo ka soo gaaray xubinta taranka iyo Caloosha, isagoo intaasi sii raaciyay in gabadhaasi in aysan awoodin in ay ceshato Kaadida iyo Saxarada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Aabaha dhalay gabadhaasi in gabadhani ay qeyb ka aheyd qoys ka koobnaa ilaa 6-xubnood kuwaasi oo dhaawac uu ka soo gaaray duqeymihii kol hore loo geystay xaafada Buula bareey ee degmada Hiliwaa, waxaana uu xusay in dhaawac uu soo gaaray Hooyada dhashay gabadhaasi iyo gabar kale oo ay walaalo yihiin gabadhan yar oo iyana dhaawac uu ka soo gaaray Isha isagoo tilmaamay in gabadhaasi ay gabi ahaan Isha ka baxday.

Ugu dambeyntii Aabaha dhalay gabadhaasi ayaa waxa uu ka codsaday Umadda Soomaaliyeed ee joogta dalka gudihiisa iyo dibadiisa in ay wax la qabtaan oo ay gacan u fidiyaan maadama buu yiri ay Dhaqaatiirta ku sugan magaalada Muqdisho ay sheegeen in aan waxlooga qaban Karin gudaha dalka sida uu ku cataabay Aabaha dhalay gabadhan dhibtaadu ay haysato.

Inta badan duqeymaha iyo dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxyeelada ugu badan waxa ay ka soo gaaraan dadka birima geedada ah haba ugu badnaadaan Caruurta iyo Haweenka kuwaasi oo mararka qaar ay soo gaaraan dhaawacyo halis ah oo aan waxba looga qaban Karin gudaha dalka

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers