Maxabiista Xabsiga Bosaso Oo Xaaladooda Meel Xun Mareyso

Xabsiga Magaalada Bosaso waa mid logu tala galay in markii lagu xiro 150 Boqol Iyo Konton qof, Waxana xiligan ku jira in ka badan 1,000 qof, taasi soo ka dhigi in qof kasta u Habeenkii Seexdo nin ka yar Labo Tako, madama Xabsigu yahay mid yar aana qaadi karin Xajmiga intaa leeg ee Maxabiis ah

Sidoo kale waxa jirta in dadka halka ku xiran qeybtood aay qaban Cudurada Faafa, Sidaa TB, Cagaar show Ama Joonis, Waxana jira dad kale oo iyaguna la liita Nafaqo darro xoog leh, Dhamaan dadkaasina waa kuwa hal meel seexda hal Saxana Cuntada ku wadaaga iyada oo xaqiiqda dhabta ah xiligada qaar marka laga sheegona aad amini karin

Waxa jirta in Xabsiga aay cunto ka tahay Aroortii Xabad rooti ah Iyo koob Shah Ah Oo Madow, Sidoo kale Waxa Qado ahan loga Cuna Bariis Biyo Cad lagu Karshay, Halka Cashaduna aay ka tahay Wax aan dhameyn Labo Cantugo oo Digir ah

Sidoo kale waxa jirta in Weelka dadka wax lagu siiyo u yahay Cagaado nooca Saliida laga dhameystay ah, aysana aqoonba Dhaqniin oo aan lagaba dhiqin weelka

Taliyaha Jeelka oo dhowaan Saxaafada gudaha la hadlay ayaa isagu sii gaar ah uga dayriyey Xaalada Xabsiga, isaga oo sheegay inay ka jirto Nolol Xumo aad u daran, isaga oo Maamulka Iyo Ganacsatada ka codsaday in la bixiyo Kharashad lagu daboolo Baahida dhanka Cuntada ah ee halka ka jirta, in kasta oo aad moodo in an dalabkisa dheg jalaq loo siin

Sidoo kale waxa jirta in Maamulka sare uu dhowr jeer iska indho tiray Cambareyno ku sabsan Xaalada Xabsiga oo aay soo jeediyeen Ururada u dooda Xaquuqda Aadanaha ee Puntland, kuwasi oo ka dayriyey iyaguna Xaalada Aadag ee ka jirta Xabsiga bosaso oo ah Xabsiga lagu xiro dhamaan Maxabiista Degaanada Puntland la isaga kala keeno

Dhibaatada Xabsiga waxa u sii dheer dadka ku xirxiran Jirdil loo geysto Maxabiista Qeybtood, kuwasi oo sii arxan daran loo jirdilo, Qeybtoodna ayba Jir dilkaasi ku Curyameen qaarna ku indho beeleen taasi oo iyaduna ah Masiibo kale

Xaalada Maxabiistan ayaa noqon mid hadii aan laga gaarin noqon doonta Dhibaato Iyo Sharaf Xumo u soo hooyata Shacabka Puntland, madama dadkani yahiin kuwa dhibaato xun ku heysato Goobtii aay ku sugnayeen iyaga oo Awalba Xorriyad la’aan aha