”Ina Yeey Waa ka Yemen Fariistay, Geedi Nairobi ayuu Guuri ka dhistay, Cali Mahdi Minnesota ayuu Guuri ka dhistay, Ina Salaad Boy Qaahir Ayuu Guuri Ka Dhistay, Cali Khaliif Galeyr Minneapolis, Minnesota ayuu Guuri ka dhistay…” Hadalada oo aha kuwa u ku cabirayo Prof Maxamud Siyaad Xaaladaha Siyaasiyiinta Somalida iyo Kuwa kale oo Xasaasi Ahba waxa u Ku Sheegay Waraysi Xiiso badan
Dhegeyso
Oo aay la yeelatay Idaacada Rajodoon, Prof Togane ayaa sheegay in Somaliya aay dileen Saddex Qolo oo u ku kala magacaabay Siyaasiyiin kuwa isku sheega, Deris Xun oo u ku sheegay Ethiopiaoo u sheegay iyadu inay tahay Cadow, Jabuuti Iyo weliba Kenya, Qolada Saddexaadna waxa u ku sheegay Mareykanka oo u sheegay inu bedelay Russia oo hore u sheegay Professor-ku inay Ummada Somaliyeed u Babi’isay
Prof Maxamud Siyaad ayaa Waraysigan ku tilmaamay In Madaxweynaah Xiligan ee Dowlada Federaalka KMG Sheekh Shariif u yahay Tuug, doonaya inu xoolaha ummada Guryo ka dhisto sidii raggii ka horreyey sidaa u hadalka u dhigay Professor-ku
Waraysigan oo aha mid xiiso gaar ah leh Ayuu Sidoo kale Prof Maxamud Siyaad kaga hadlay arrimo kale oo aay ku jirtan Somaliland, Puntland, Xasan daahir Aweys Iyo Alshabaab Iyo weliba arrimo kale oo badan
Haddaba Prof Maxamud Siyaad Togane oo ah Aqoon yahan Somaliyeed Waraysiga uu Siiyey Idaacada RajoDoon, waxa u Dhacay Sidaan ee Halkaan ka Dhegeyso
Filed under: Uncategorized | Tagged: Prof Togane