Lataliyihii Madaxweyne Shariif oo Is-casilay

Prof Axmed Muumin Warfaa oo la taliye sare u ahaa Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu is-casilay

Prof Warfaa wuxuu wareysi uu siiyay Idaacadda VOA ku sheegay in arrimo shaqsiyadeed oo u gaar ah iyo dhowr qodob oo kale ay ku qasbeen inuu iska casillo jagadii uu ku magacownaa Dhegeyso

Prof Axmed Muumin Warfaaf

Prof Warfaa  wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif aanu hirgalin talooyin dhowr ah oo uu soo gudbiyay, talooyinkaasina wuxuu ku sheegay inay ka mid ahaayeen; in la yareeeyo tirada wasiirradda dowladda Somalia, in la abuurro shan nin oo lataliyayaal sare ah oo wasaaraddaha dowladda la taliyo, in dad Somali ah oo aqoonyahanno ah ay dowladda talladeedda ka qeybgalaan iyo in dowladda dhexe ay dhiirigaliso dowlad goboleedyo uu dalku yeesho

Prof Warfaa, wuxuu xusay in sababaha loo tixgalin waayay talooyinkiisa ay ugu wacan tahay, iyadoo ay jiree ajandayaal kale oo badan oo madaxweynaha horyaallay. Prof. Warfaa wuxuu kaloo ka dhawaajiyay inay jiraan lataliyayaal badan oo madaxweynuhu leeyahay, kuwaasoo uu sheegay in isagu aanu ku qancin lataliyayaasha badan ee is-dhinac yaacaya

Prof Warfaa, wuxuu ku tilmaamay waxqabad la’aanta dowladda inay ugu wacan tahay kooxaha badan ee dowladdu ka kooban tahay, sida Maxaakiintii, Barlamaankii xorta, Dowladdii hore iyo kuwo kale, wuxuuna tibaaxay in dhamaantood aysan lahayn  mowqifyo isku mid ah

Prof Warfaa, mar uu ka hadlayay shaqsiyadda madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in Sheikh Shariif uu yahay shaqsi leh tixgalin iyo ixtiraan oo dadka si weyn u dhagaysta, balse wuxuu Prof Warfaa carabaabay in madaxweynuhu u doonayo inuu qof walba qanciyo taasoo uu xusay inaysan suurtagal ahayn oo madaxweynaha looga baahan yahay inuu qaato go’aamo ad-adag

Ugu danbeyntii Prof Warfaa wuxuu sheegay in sababta ay dowladda Somalia ugu guulaysan la’ dahay soo celinta amniga ay ugu wacan tahay aamin darro ka dhexjirta qeybaha ciidanka.