Wasiir PL ka Tirsan Oo Difaacay Burcad Badeeda

Wasiirka Kaluumeysiga Iyo Khayraadka Badda Ee Puntland Eng Maxamed Faarax Aaden Ayaa sheegay in kooxaha Burcad badeeda ah aay yahiin Caquubo ka dhalatay kadib markii Xeebahii Somalida la bililiqeystay wixii ku jiray sidaa u sheegay

”Waxan u arka Caquuba inay yahin Caquubo badeed, Waxayna ka dhasheen kooxahani difaaci xeebahu kadib markii Ummada Somaliyeed Xoolaheedii Badda la Xalufiyey, Cid kasta waa loo ergageyey waxna waa ka qaban diiden kadibna waxa dhalatay Caquba badeeda waxa la dhihi karo, waayo Waa Caquubadii Ummada Somaliyeed ka raacday Dadkii Bililiqeysan jiray Xeebaheena, DhalinyaradaRuuntii Hadii aay fekeri lahayeen waa fiicanan laheyd, xiligana hawl wacan ayey qabteen ee xooga yar ka khaldan, waxana dhihi karna waa Caruurnimada ee Sidooda kale waa ragga la hubo”

”Anigu ma irahdo Burcad badeed dhalinyarada, Waxan ugu waca Geesiyaalkii Dalka, Balse ruunti ma wada taageersani fikirkooda oo waxa jira kuwa Khalday Manhajkii lagu hawl galay, Waxana dhahi kara Dhalinyaradii hore ee Bilowday Hawshu waxay ahayeen kuwa qiimeyn leh, Hade ogowna dhalinyarada Somaliyeed ee dagaalka ugu jirta Xeebaheenu waa kuwa intaa badan xiligan Khasaaro soo gaarto, waxa aay ka helan Maraakiibta Xeebaheena ku soo xad gudubta waxa ka badan iyaga waxa ka gala, waxan dhihi kara waxan jirin isku miisan Iyo isku dheeli tiri xaalada Ee Dhabti Iyaga dulman” Ayuu yiri Wasiirka Kaluumeysiga Iyo Khayraadka Badda Ee PL Eng Maxamed Faarax oo la hadlayey Mid ka mid ah Idaacadaha Maxaaliga ah ee PL ka hawlgala

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqday mid sii toosa logu Taageerayo Burcad badeeda, waxana jira shaki weyn oo Beesha Calaamku ka qabto in Madaxda PL qaar ka mid ah aay Xiriir la leyahiin Kooxaha Burcad Badeeda ah taasi oo la oran karo waxba ka jira Marka u Fiirsato hadalka Wasiirka Ee U Warbaahinta ka sheegay

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers