Kaluumeysatada Gobolka Bari Oo Ka Cabanaya Marakiibta Shisheeye

Kaluumaysatada Xeebaha Gobolka Bari ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya gaar ahan kuwa jooga Xeebaha Gobolka Bari

Qaar kamid ah Kaluumaysatada ku dhaqan magaalada Bosaso ayaa maanta waxa ay cabasho xoogan ka muujiyeen Maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Somaliya kuwaasi oo ka socda Midowga Yurub islamarkaana la dagaalamaya Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee ka Qarabta Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya

Dadkaasi Kaluumeysatada ah oo maanta Idaacadaha Maxaaliga Ah ee Magaalada Bosaso la hadlayey ay shaaca ka qaday in Maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Somaliya ay dhibaatooyin xoogan ku qabaan iyagoona codsaday in wax laga qabto arrintaasi

Kaluumaysatadaasi ayaa waxa ay sheegeen in mudooyinkii la soo dhaafay aysan Shaqadooda si toos ah u gudan islamarkaana Maraakiibtaasi dagaal ay cadaadis xoogan ku hayaan iyagoo sheegay in mararka qaar ay Maraakiibtaasi kala kulmaan dhibaatooyin faro badan oo aay ka mid yahiin Shabaagaha Kaluunka oo laga jarjaro iyo weliba Iyaga oo mararka Qaar Rasaas lagu furo

Cabashada ayaa la aqoon sidaa wax loga qaban doono madama Xeebaha Puntland Ama kuwa Somaliya ee aay ku sugan yahiin Marakiibtani aysan aheyn kuwa fasax uga heysatan Ama aay xiriir la leyahiin Maamulada dalka ka jira

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers