Jalalaqsi Oo Caruur Shuban U Dhimatay

Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegaya Cudurka Shuban Biyoodka, Iyda oo Maamulka Degaankaasina U ugu baaqay Shacabka ku dhaqan degmada inay Iska ilaaliyan Cabitaanka Biyaha Webiga

Ilaa hada intaa la ogyahay Afar qof ayaa ku dhintay kuwas oo labo ka mid ah aay yahiin Caruur, Waxana jira ilaa hada dad kale oo badan oo iyaguna u jiifa Cudurka Shuban Biyoodka

Magaalada ma ka jiro Wax Cisbitaal ah oo lagu daaweyo dadkaasi, waxana kaliya oo Daawoyiin yar yar dadku ka qatan Goobo Farmashi ah oo sii gaar ah loo leyahay

Xizbul Islaam oo ka taliya magaalada ayaa ugu baaqay Shacabka magaalada Inay iska ilaaliyan Isticmaalka Biyaha Webiga Shabeelle, waxayna sheegen inay dadka loo bahan yahay inay isticmaalan Ceelsha kuwasina aay ku bedelaan Biyaha Webiyada

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers