Intaa badan dadku waxay maqlan Qof ayaa la dilay Iyo Meel ayaa la Qarxiyey balse intaa badan isma weydiin cida ka dambeysa Ama la dhihi karo waa kuwa ka dambeeyey dilalkan Qorsheysan Iyo Qaraxyada intaa badan dhacaya ee aan weli qof sii toosa logu qabtay aan la helin
Qofka Wax Dilaya Intaa badan waa mid, waana hal midable oo dhamaan dadka u dilo waxa u ka dila Madaxa, Hadii u Qarax tuurana waxa uu ku tuura intaa badan Goob Ciidan Ama Goob aay ku sugan Yahiin Askaari
Haddaba Qofkaasi Ama Kooxdaasi waa Kuwee ?
Marka aan kala qadno Kooxdan waxay noqon karan Afar Koox Mid, Afarta koox dhamaan waa kuwa jira oo xaqiiq ah inay iyagu Mas’uul ka yahiin dhibaatada intii cid kale lagu ordi laha kuwasi ayaa u bahan marka hore in dib loo Eego
Kooxda Kowaad
Waa Ciidanka PIS-ta loo yaqano oo ah kuwa degaamo iyo Xurumo ka sameystay Xiligan Dhamaan Degaanada Waweyn ee PL, Sidaa Bosaso Oo aay ku leyahiin Labo Xurumood, Qardho, Garoowe Iyo Gaalkacayo oo aay iyagana ku leyahiin Min hal xurun
Ciidankaasi hadii aay qof dilan Ama Aay Qof qabtan waxay ku helan lacag Iyo weliba Dareejo waana xaqiiq taasi qof walba oo Puntland jooga ama Xaalada Raggaasi ka war hayana waa Ogyahay Xogta Iyo Xaqiiqda dhabta ah ee Raggaasi oo ma aha kuwa xiligan uu bahan Sheeko dheer oo aan la galno
Waxa kale oo intaas dheer in qof aay ciidankaasi gacanta ku dhigaan aysan U Ogoleyn In aay booqdan Ehelkiisa, Sidoo kalena qofka aay dilan uusan laheyn wax tixraac iyo Fah faahin oo aay ka bixiyaan
Sidoo kale Waxa jirta in ragga Ciidanka Hoggaamiya Ama Madaxda u aha aysan Ogoleyn inay wax xiriir ah la sameyan dadka Ama Xiita Saxaafada madaxa banaan ee PL ka jirta
Kooxda Labaad
Waa Ciidamo aad u tababaran oo ka soo noqday Magaalada Muqdisho kuwas oo ka mid aha Ciidankii Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed Madaxweynahii Hore ee Jamhuuriyadu kala tegay Degaanada Puntland, kuwasi oo dib u soo noqod kooda aan helin wax xaquuq iyo Daryeel ah taasina aay kalifi karto inay Abaabulan Dhibaatada hada socota iyaga oo uga dan leh inay Khalkhal iyo Amni darro ku Abuuran Maamulka Cabdiraxmaan Faroole oo isagu hada u muuqda Mid Fadhiid ah
Waxa Xusid mudan in Ciidankaasi Awood u leyahay inay Qofka aay dilaan iyaga oo weliba aan la ogan karin, waxayna taasi kala mid yahiin Ciidanka PIS-ta oo iyagu leh Tuhunka Kowaad
Kooxda Saddexaad
Waa labo nooc, labaduna waa isku mid marka dhinac laga Eego oo waxay Hoos ugu soo noqon Dhanka Qabiilka
Labada dhinac midka kowaad, waa Qabiilo Xaquuqdoodi la duudsiiyey ama la qariyey kuwas oo Maamulka Puntland aan ku laheyn Xubin Muhiim Ah Sidaa Agaasime, Xildhibaan, Ama Wasiir, iyaga oo aay dhici karto inay yahiin Beelo Degaanka ku leh Awood iyo Sameyn xiita, Sidoo kalena aay dhici karto Beelo la mid ah inay Maamulka ku leyahiin Cad Buuran oo Muhiim ah
Qeybta labaad ee isla kooxahan Dhinac qabiilkuna waa kooxo ku dili dadka Aanooyin Qabiil Iyo Awoowe-gii Shanaad ayaa Beel Heblo Xiliga Ama Semen Heblo Dileen, Taasina waa mid Nasiib darro ah oo aay ka wada siman yahiin sidaa la dhihi karo Shacbi weynaha Somaliyeed Meel kasto u joogo
Kooxda Afraad oo ah mida ugu dambeysa, lana dhihi karo waa loo qateen Waa Kooxo laga soo Abaabulay Somaliland oo Puntland Diid ah kuwasi oo iyaguna fursadaha jira ka Fa’iideysan, kuwasi oo ah kuwa soo qata lacago yar yar isla markana Dhiiga Iyo Argagaxinta Shacbiga aay u tahay waxay ku heli Lacago fara badan oo aay kaga qadan Maamulka Riyaale oo isagu la dhihi karo waa mid Dagaal adag Kula jira Shacbiga Puntland degan
Arrimahan aan sheegnay iyo kuwa kale oo badan ayaa ah kuwa intaa badan laga maweeliyo Shacbiga Puntland, lana dhihi karo waxa meesha ka baxday Saxaafadii Ama Hay’adahii ku shaqo laha ee Arrimaha ku iifin laha Tooshka sii dhibaatada jirta loo tuso Shacbiga u ooman
Waxana la dhihi kara Maamulka Xiligan jira waxa u Indhaha Shacbiga ka qarin Xogo badan, isaga oo meelo gudcura toosh ugu iifin, fartana intaa badan ku goda dad ka soo qaxay dagaalo iyo dhibaatoyiin ka jira degaanadoodii kuwas oo aay ka mid yahiin dadka ka soo Qaxay Gobolada Bay Iyo Bakool ee Konfuurta Somaliya
Waxa is weydiin leh Dadweynaha Reer Puntland Maxa u dan ah ?
Waxan Dhahi karna Shacbiga Puntland waxa la gudboon in arrinkan sii toosa loga wada hadlo, dibna la isagu noqdo, lana taabto ruunta oo aan laga leexan, waayo Meesha waxa ka soo socota Khatar weyn oo Nin walba Sameyn ku yeelan doonta, Sidoo kale Issimadii Shafarta badna ee Puntland ku caan baxday, oo aha iyagu kuwa Dastuurka ugu dambeeya PL u aha in dib loo soo celiyo lana isagu yeero, xaaladana aay sii toosa toosha ugu ifiyaan aana laga leexan Ruunta Iyo Xaqiiqda Jirta wax kasto dhaca
Filed under: Uncategorized Tagged: | Waxa Qoray Maxamed Joowe
waa arin baraarujin leh warkan lakin ciidanka oola aabulo oo xaalada lgu wargaliyo iyo bulshada oo isu timaaada walaga maar maan
lakiin meelo baa ku haboon in aanlaxusin si aysan ugu baraarugindad mooga oo anya xaalada uga siidarin sida beelaha ciidan ka hawlgabka ah
wad mahad san tihin
wad ku mahadsan tahiin somalifans muqaalkina runti waxa la dhihi kara waa in dowladu meesha iska qado oo aay halgan u gasho sidii aay u badbaadin laheyd dhiiga shacaabkeeda maalin kasto la dilayo kuwa ciidanka ah oo wax dilana waa in dadka lagala hadlo