Barakacyaal dhibaataysan


Ilaa 13 qof, ayaa gaajo iyo xanuun ugu dhintay deegaanada Galgalato iyo Gubadleey, sida uu BBC-da u sheegay Diinoow Maxamed Maxamuud (Sheetax), oo ka mid ah dad badan oo haalkaas ku nool kadib markii ay ka carareen duqaynta iyo dagaalada magaalada Muqdisho  Dhegeyso
 

Dadka dhintay, ayaa wararku sheegayaan in ay isugu jiraan waayeel, dumar iyo caruur.

Dhowr bilood oo dadkan barakacayaasha ah ee ku nool deegaanada Galgalato iyo Gubadleey ayay sheegeen in aysan wax gargaar ah soo gaarin, iyagoo dalbaday in cidii ku shaqo leh samafalka dadka dhibaataysan ay caawiyaan.

Xaawo Xuseen Cali, oo ah hooyo dhowr iyo toban caruur ah leh, ayaa iyaduna sheegtay ay jiraan jiraan dadka hadda la bararay gaajo darteed. Waxay sheegtay in dadku ay haysato tabardarro, kala dhalatay gaajo iyo shuban.

Mako Axmed Maxamed, oo iyaduna ah hooyo 12 caruur ah leh, ayaa sheegtay in caruurteeda ay gaajo iyo biyo la’aan hayso si la mid ah dadka ku nool deegaanadaas

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers