Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ku dhexmaray degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose Xarakada Alshabaab Iyo Maleeshiyo Daacad u Ah Axmed Madoobe 
Maleeshiyada Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay la wareegtay Degmada Dhoobley kadib dagaal culus oo aay halka kula gashay Xarakada Alshabaab, Waxana la sheegay in Xiligan Ciidanka Shabaabku aay ku sugan yahiin Duleedka magaalada
In ka badan 5 Qof ayaa ku dhintay dagaalada, tiro intaa ka badana waa ku dhaawacmeen

Axmed Madoobe ayaa taageero balaaran ku heysta degmada Dhoobley taasi ayaana la leyahay waa mida ka dambeysa in waqti yar u halkaasi uga saaro Xarakada Alshabaab oo in dhowaale halkaasi gacanta ku hayey
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Shabaabka oo ku sabsan dagaalada Dhoobley
Filed under: Wararka Tagged: | Dagaalada Dhoobley