Dooddii shacabka “WAAXIDOW NAGA SOO GAAR”

A/Calaykm WWB, Ilaahay baa mahad leh, nabad iyo naxarisna nabigiisa allaha yeelo.
 
Maadaama dalkaygii la duminayo, dadkeygiina la gumaadayo ayuu ii muuqday Wareysi dhex maray Dadkaygii iyo wixii dhibayey intii aan ka gaaray 14-02-2010, waana tan

 
SHACABKA: Qabiiliistow goormaad cadow aan qabiil wax kuugu tareyn ka haree oo aad ilaahay iyo ummaddiisa la dhaqmee dhammaannaye?
 
QABIILIISTE: Dhego iyo indho ma lihi wixii ii daran baanna jeclahaye, maad adigu iga hartid haddaadan cirib go’aaga rabin, i aragtay inaanan dhib maahane dheef kuu lahayne?
 
SHACABKA: Dhuuni raacow goormaad dhergee dad iyo duunyo dhammaannaye ma ciid baan nahay?
DHUUNI RAAC: Waxaan dhergaa markaad dhammaato ee ii sug in yaraa kaa hartaye.

SHACABKA: Sh. Sahriifow goormaad lacagtan ka dhergee oo aad diin iyo diin la’aan mid caddaysee, shareecaad noo sheegtay hal
qodobna weli kaama hayno intaad joogtay oo albaabkaagaa nalagu furtaa naf iyo mobile iyo hantina uga samarnaye, maxaanse ku taageernaa kuwaan kalaa ku dhaamoo ugu yaraan xaafadaheenna tuug uga baqi maynee, haddii ciidankaagu soo gaaraan xaafadaheennase jiingadaha xun ayaan uga baqaynaahe, miyaadan noo naxayn oo aadan ilaahay iyo rasuulkiisa aqoon?
SHARIIF: Sanadkaan miyir ma lihiye mar kale igu soo laabta cunoow ayaan ku jiraahe.
 
SHACAB: Indhacaddow gormaad meel luguugu soo hagaago yeelee ehelkaagaan nahaoo dhammaanaye oo marba kooxdii na dilaysaad waa xaq tiraa markaas ayaad 100 weji nugu gumaaddaayee?
INDHA CADDE: Walaalow ii suga waxaan aad iga sheegtiin weli iskuma arage, aan horta fahmee?
 
SHACAB: Shabaabow haddaadnaan cadawga na haysta naga kici karin maxaad mid cusub noogu yeertaa sidii habartii qoryahaa qaadi waysee
kuwo kale iigu dara tiri, maxaadse madfaca annaga nooga dul riddaa oo kan luguugu soo jawaabayo nooga carartaa, ma cadaawad fog baad noo
qabtaa? maxaadse adoon maantoo dhan rideyn markaan afurka salka u dhigno balaayo meel fadhida wax ugu riddaa, ma diintaad cadaawad fog u
qabtaa oo soonkaad noo diidee, mase waa waalantahay, maxaase horta naxariista kaa qaaday oo xataa cabashadeenna dhegaha uga furaysataan ma dhego la’dihiin mase annagaad na necebtihiin? mid kalena aan raacsadee Xildhibaanka idiin soo galee Saalax badbaado sow murtad muu ahayn ma tawbad keenay, mase qofkii idinka soo hor jeedaa murtada, markuu idin raacana waa iska muslim?

SHABAAB: Wallaahi waxaan aad daldalayso annagu iskuma arag ee horta aan isku arko?
SHACAB: Ee goormaad isku arkeysiin waa la hoogaye waan baaba’noon dhammaannee?
SHABAAB: Yaa heli kara inaad dhammaato, Dhammaashadaadaa jihaada waxaadna tahay shahiide sugo intaad ka dhammaato.
 
SHACABKA: Sh. Xasanow xaggaad ka keenteen magacyadan badan ee Xisbul-Islaam iwm, diinta nabiga SCW iyo saxaabadii ma lahayne, Gobolkaagiise dabkaad ka billawday markaad ehelkii magaalooyinkii ka qixisaad cadow uga soo dul tagtay, haddeerna annagoo ah masaakiintaad xamar ka soo qixiseen ayaad ceelasha nooga daba timide ma annagaa naloo soo kaa diray inaad na cirib tirto, maad naga dhex baxdid maxaad bartilmaameed
nooga dhigee, maadse haddaad wax isku hayso aaddid meesha cadawgu joogo ee madfaca nalooga soo rido ma annaagaa cadow ah ood nala
jihaadee?
SH.XASAN: Walaalow kolley anugu sidaas ayaan iskula toosanahay mana fahmayo waxaan sidaan wado ahayn?
SHACAB: Ar waa la hoogee saan yeelnaa, mana na fahmayo shiikhu madfacna waa la haadaahe? allow naga soo gaar baaba’naye.
 
SHACAB: Dhallinyarow sidii dab la idinkugu shidayey, oo marba dhinac la idinkugu jeedinayey, oo mid waa jihaade iska dagaala idiin lahaa,
ood mar isbaaro ugu dhiganayseen ehelkiinnii iyo agoontii ee cunaha la idinkaga qabanayey, oo buro iyo cudurro aan la aqoon aad ku dhammaateen,
marna qabiiliiste dad walaalihiina isugu kiin xasuuqayey, midna madfac idinla dhacayee idin gumaadayey, midna intuu doon idinka buuxsho
badaha adduunka idinku shubayey, midna intuu baabuur idinka buuxsho idinla rogayey, midna…, midna…, dhammaatoo dhammaananaye goormaad
inta yare idinka hartay caynsanaysiin?
DHALLINYARO: Ma annagaa wax naqaan odayaasheennii ayaan beec u nahay oo maalintuu maxamed siyaad xamar ka baxay yiri wiilkeennii isla
wiilkeen kale dila diyadiisu waa 500 Kun shilin, marka haddii odaygii na dhalay oo noo indhaha ahaa saas noo qiimo tiray, oo laga quustay inay qofkii na dila noo dilaan inta hrtay ha badbaaddee, oo xataa gabdhihiina dhaheen weligeed guursan mee haddaan nin geel iiga gataa ii imaan, marka haddii odaygii na dhalay raggiina laynayo hooyadii dhali lahaydna guurkii u diidey, wax kaloo ii naxana aan waayey, inuu Nibiri badahaas igu cuno maxaa ii dhaama?
 
SHACAB: Oday dhaqameedow adaan shacab kugu ahayn, adaa xilka ugu weyn noo hayey, adigaan dawlad dhan dumiya kaa yeelnay, ee maxaa kugu dhacay maad si uun na dhahdid?
ODAY DHAQAMEED: Maxaan sameeyaa taladaan hayn jirey wadaad ayaa iga wareeririyey inteydii horena waa iga daadiyey oo waa shirki iyo qalad intuu igu yiri, oo qaladba ha iska jiree nabad fiicanoo aannaan weligeen arag na dhedhensiiyey 6 Bilood, ayuu markey balaayo helooyin qaseen uu isku darsamay oo bambo iyo qarax iyo naxariis darro la soo baxay, halkuu nabad iyo deggenaan ka wedi lahaana qabuuro qufow iyo hebel waa gaal billaabay, wadaadkii horoo qabiil-qabiilkaan isku laynaynay aan naga celin jirin noo bannayn jirey, habrahana noo cuudi jirayna way ka xanaajiyeen markaa buu cadawgii weynaa la xirtay oo na wada xasuuqaan, marka waan wareeraye maxaan oday dhaqameedshaa oo aan sameeyaa?

SHACAB: Haaaaaaaaaaaa, haddeeraan gartay dhibku meeshuu iga haysto, waana culummadaydii intan kursiga iyo naarta u waalatay maahee intii kale ayaa cunno kala doorasho iyo raaxo carabaha iyo yurub u fariisatay oo hawl ka dhigatay masalo aan wax fuliya lahayn ka jawaabisteed, taasoo micnahoodu noqday inaan shiikh ahay i ogaada, war culummada dibeddow idinkaa miyir idin ku dambeeyaa oo meelaad ku fikiri kartaan joogee ilaahay ka cabsada oo jiifka ka kaca dhibka na haysta ha nugu fiirsanina, idinkaa la idin weydiinaa, xataa inaad afka ka qaylisaan waad gebteen war maad idaacadaha keliya telefoon u dirtaan, war maad shirar joogto ah isugu timaadaan meelaha aad isaga dhawdihiin ma cadawga nugu goobtay ayaad nugu fiirsanaysaan, wallaahi annagu ilaah baan leennahay ee ogaada dadkuna ma wada dhammaanayo berrina waa laga sheekayn wadaadkii naga seexday iyo kiin noo damqaday.
 
SHACAB: ALLAHEENNA WEYNEE, MARKII WAALLIDA IYO, WALAAC UU YIMAADEE, WAREER WEYNI UU DHACO, LA WAAJIHI JIRAYOW, WAAXIDOW NAGA GAAR.
 
Dardaaran & Codsi : waxan ka codsanayaa bahda warbaahintu inay maqaalkan yar raaciso Links laga daalacan karo dhibaatoyinka kala duwan ee maanta dadkeenna ku haysta Tahriibka, xabsiyada dunida, iyo dalka gudihiisaba, anigoo og in inteenna badani aysan qiimaynayn maqaalkan haddaanan muusik iyo tartanka quruxda uga hadleyn, waxanna walaalahayga sharafta leh ee warbaahinta ka codsanayaa inay ii soo gudbiyaan addresyadooda aniga oo aan ka xumaanayn kii daabici waaya oo sababo badani jiri karaan .  MAHADSANIDIN.
 
Qallinkii Cali Jeyte
bartilmaameed@gmail.com