Dhaqanka Hawiye Oo Baaq Ka Soo Saaray Lamaanaha Ingiriiska

Gudoomiyaha Garab ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in kooxaha Heysta Lamaanaha Birtish-ka ah aay sii daayan Dhegeyso

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Dhaqanka Hawiye ka xun yahay Afduubka dadkaasi, isaga oo Sidoo kale ku sheegay in Aay Dhalinyarada Heysta dadkaasi aay ugu baaqayan inay Hoggaansaman Odayaasha isla markana aay sii dayan Lamaanaha aan waxba galabsan

Wuxuu intaas ku daray in Afduubka ay kooxaha burcad badeeda u geysteen Lamaanaha uu yahay mid xad gudub ku ah xuquuqda Binu’Aadan-ka islamarkaana Dhibaato iyo Tacadiyo ay ku hayaan kooxaha Burcad Badeeda ah lamaanaha

Nabadoon Axmed Diiriye Cali

Dhanka Kale Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye Garabka Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, Axmed Diiriye Cali ayaa isaguna u sheegay BBC Laanta Afka Somaliga in Odayaasha Dhaqanka Hawiye Aay Dadaal hore ugu galeen Sidii loo sii deyn laha Lamaanaha Birtish-ka ah ee Kooxaha Burcad Badeeda Gacantooda ku jira

Burcad Badeeda Ayaa Bishii October ka soo Afduubtay Lamaanahan Birtish-ka ah ee Paul Chandler Iyo Rachel, Xeebaha Jasiirada Seychelles iyaga oo ku dalxiisaya Doon la sheegay inay ka Iibsadeen Guri aay hore u si iibiyeen, Waxana la sheegay in aysan aheyn dad Mal qabeeno ah

Paul Chandler Waa 59 Sano jir, Halka Rachel aay tahay 55 Sano jir, Waxana lagu kala haya labo Goobood oo kala duwan iyada oo Caafimaadkooduna yahay mid liita, Sidaa u hore u Sheegay Dhakhtaar Booqday