Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado), ayaa ku dhawaaqay in uu ka baxay baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya
DhegeysoXildhibaanka, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho waxaa ka sheegay in sababaha uu uga baxay baaralmaanka ay ka mid yihiin iyadoo aan la hayn wax Soomaali u madaxbanaan tahay, sida uu hadalka u dhigay, oo dibadaha laga maamulo dowladda ku meelgaarka ah
Wuxuu ku eedeeyay ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga Muqdisho in ay madaafiic si ka fiirsasho la’aan ah ugu duqeeyaan goobaha yar ee rayidku ku haray.
Wuxuu sheegay in uu la joogo shacbiga Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in uu Allah isku dhiibay.
Warar ayaa sheegaya in Xildhibaanku uu u galay kooxda Al-shabaab, oo gacanta ku haysta dhulka uu xildhibaanku sheegay in uu hadda ku sugan yahay, waxaase uu ku adkaystay xildhibaanku in aysan jirin cid uu si gaar ah isugu dhiibay
BBC Somali
Filed under: Wararka | Tagged: Xildhibaan Saalax badbaado
Dhegeyso
waa run inuu ka baxo dkg maadaama ay xil iska saarin nabad sugidda iyo ammaanka magaalada muqdisho o ayaamahan ka jira ugaarsi