Ganacsade lagu Dilay Magaalada Qardho

Marxuumka Ayaa lagu Magacaabi Jiray Macalin Nuur Buule, Waxana la sheegay inu Dukaan ku laha Aaga Xaanafiya Ee Degmada Qardho, Dilka Ninkan ayaa la sheegay inu geystay,Wiil Burcad ah oo lagu magacaabo Jeelle Marya Badane, Waxana la sheegay inu u dilay Ninkaasi kadib markii u diiday Marxuumka dhintay Lacag baad ah oo u dalbaday Ninka wax dilay

Ninka la dilay ayaa la sheegay inu ka soo jeeday Gobolada Bay Iyo Bakool, Waxana la sheegay inu Dukamo Nooca ganacsiga yaryar ah ku laha Magaaloyinka Qardho Iyo weliba Bosaso, Waxana la sheegay inu Aha Ilaa Afartan Sano Jir

”Abaare Sagaalkii Fidnimo ee Xalay ayuu u soo galay Ninka Dilka Geystay Marxuum-ka Geeriyooday, waxana u ku yiri Waa inaad i siisa Lacag baad ah oo dhan 4 Dollar taasina Waa u ka biyo diiday Ninkii Ganacsadaha aha kadibna Saddex Xabo ayuu ku dhuftay Marxuum-ka Geeriyooday Ninkii Burcada aha” Sidaa waxa Somalifans Online U Sheegay Dad Goobjoog aha markii dilku dhacayey oo Ka gabsaday in Magacooda Saxaafada laga xuso

Ninka dilka Geystay ayaa ilaa hada Ciidanka Ammaanku soo qaban, iyada oo Warar lagu kalsoon yahay sheegen inu ku sugan yahay magaalada Qardho weli ninka dilka fuliyey aysana ciidanku Waxaba ka qaban

Arrintaan ayaa walaac daran waxa ka muujiyey Dadka ka soo jeeda Konfuurta Somaliya ee Goobaha Ganacsiga ku leh Degmada oo aad dadkeedu ugu Caan baxeen Burcadnimo iyo Dil Bila micno ah

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers