Hay’adda DRC Oo Lagu Eedeyey Xarigii Wariye Muxuyadiin Hiiraad

Xarigii 8 Bishan Magaalada Qardho logu Geystay Wariye Muxuyadiin Hiiraad Kaatun, Agaasimahii Radio Daljir ee Qardho ayaa la sheegay Inay ka dambeeysay Hay’ada DRC oo ka mid ah Hay’adaha ka hawl gala degaanada PL

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hay’ada DRC aay maalgelisay Xariga Wariye Muxuyadiin Hiiraad Kaatun, waxana la aqoon sababta Xariga Iyo Shirqoolka aay ugu dhigtay Hay’adani Nin Suxuufi ah Oo weliba Bulshada ku leh Magac iyo Qaadarin Sare

Xariga Wariye Muxuyadiin Waxa sii kulul u Cambaareyey Hay’daha Warbaahinta degaanada PL ka hawlgala iyo weliba Maamulka Degmada Qardho oo isagu iska Foogeeyey Inu Wax Shaqo ah ku leyahay Xariga Wariyaha aay u geysatay Hay’ada DRC oo Caawinad ka heleysa Ciidanka PIS-ta loo yaqano

Taliyaha Saldhiga Degmada Qardho Jaamac Suuley ayaa isagu Idaacada ka sheegay inusan Waxba ka ogeyn Xariga Wariye Muxuyadiin Hiiraad, isagoona ku tilmaamay Xarigiisa mid foolxumo ah oo Sharaf dhac ku ah Booliska Qardho

Sidoo kale Taliyaha PIS-ta Xurunta Magaalada Qardho, Cumar Afdiinlee ayaa isaguna sheegay in uusan la socon Xariga Wariye Muxuyadiin, isaga oo sheegay inu Xariga Mas’uuliyadeeda Qadayo taliyahii Xiliga ku qorna Shaqada oo ah Maxamed Shimbir

”Xiliga Xarigu dhacay waxan ku sugna Gurigeyga. Waxana Xurunta Xiliga ku qorna Shaqada Maxamed Shimbir isaga ayaana soo xiray Wariye Muxuyadiin, kole isaga ayaana la weydiin Sababta uu U Xiray Wariye Muxuyadiin Hiiraad Kaatun” Ayuu yiri Col Afdiinlee

Haddaba Xarigii 8 Bishan loo geystay Wariye Muxuyadiin Hiiraad, ayaa la sheegay inu aha mid Hay’ada DRC u Adeegsatay Ciidanka PIS-ta iyada oo Hay’ada aay ka hawl galan dad Xiriir dhow la leh Maxamed Shimbir oo ah Taliyaha Hawlgalka Xariga Wariyaha Fuliyey isaga oo DRC kaga qatay in ka badan $2 Kun oo Dollar, Lacag u dhiganta

DRC ayaa la dhihi kara waxay ku soo biirtay kooxaha Weerarada ku haya Suxuufiyiinta ka hawlgala degaanada Somalida, waxana la aqoon inay sii socon doonto iyo in kale weerarada aay ku bartilmaameedsan Suxuufiyiinta Ka hawl gala degaanada PL

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers