Madaxweynaha Jamhuuriyada Oo Dhagax Dhigay Masjid Weyn Oo Madaxtooyada Laga Dhisayo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dhagax-dhig u sameeyay masjid laga dhisayo gudaha Madaxtooyada Villa Somaliya. Masjidka oo halkii marbna ay salaadda ku oogi karaan in ka badan 400 oo ruux +Sawiro

Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Xasan Macallin Maxamuud, oo ka hadlaya sababha loo dhisay masjidka, ayaa waxa uu yiri, ” Markii la arkay baahida loo qabo makaan ballaaran oo dadku ku cibaadaystaan – shaqaale ahaan, martida Madaxtooyada iyo madaxda dowladdaba – ayaa baahidaas darteed loo sameeyey masjidkaan oo weliba yeelan doona maktabad weyn oo diinta lagu barto.”

Wasiiru Dowluhu, waxa uu intaas raaciyey in mahadda aasaaska masjidkaan uu leeyahay Ilaahay oo dowladda waafajiyey maantana suurto galiyey dhagax-dhigga, kaddibna, Madaxweynaha oo lahaa ra’yiga dhisidda masjidka

Injineerka dhisaya masjidka ayaa isaguna waxa uu sheegay in masjidku uu noqon doono mi aad u qurux badan isla markaana uu diyaar noqon doono 45 cisho gudahood.

Warfaafinta Madaxtooyada

Email: Media@sompresidency.org

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers