Wasiirkii Dhalinyarada Iyo Sportiga Ee DFKMG Oo Geeriyooday

Cadulaahi Colaad Rooble oo ay walaalo ahaayeen wasiirka kuna hayay Isbitaal ku yaallay Magaalada Riyaadh ayaa VOAda u xaqiijayay geerida wasiirka

Suleymaan Colaad Rooble oo 47 jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac dhinaca madaxa ah oo ka soo gaadhay qaraxii Hotel Shamow ee 3dii December ka dhacay magaalada Muqdisho Dhegeyso

Wasiirka Ciyaaraha ayaa noqonaya wasiirkii 4aad ee u geeriyooda Qaraxii Shaamow.

Wasiirul dawlaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Khalid Cumar Cali ayaa VOA-da isaguna u xaqiijiyay dhimashada wasiirka, waxaana uu xusay in DKMG ay xidhiidh la samaysay dawladda Sucuudiga si loo iskula meel dhigo qabanqaabada aaska Marxuumka

Qaraxii Hotel Shamoow waxa hore ugu geeriyooday Wasiiro aay ka mid yahiin Wasiirkii Taclinta Sare Prof Ibraahim Cadow, Wasiirkii Waxbarashada Cabdullaahi Axmed Waayeel Iyo weliba Wasiiradii Caafimaadka Dr Qamar Aden cali, Sidoo kale waxa Qaraxa ku Geeriyooday Arday Iyo Macalimiin aad u fara badan

Wasiirka Maanta Geeriyooday ayaa noqonaya Wasiirkii Shanaad ee ka tirsan DFKMG ee u Geeriyooda Weerar Qarax

Waraysi  Khalid Cumar Cali

VOA Somali  + Somalifans