Magaalada Bosaso Ayaa caawa Habeenkii labaad oo isku xigta u Qarax Gilgilay, Halka Magaalada Garoowena lagu dilay Fiidnimadii Caawa Nin Ganacsade ah oo la sheegay inu ka Ganacsan jiray Sariifka
Dhanka magaalada Bosaso ayaa iyadana waxa yar ka hor ka dhacay Qarax xoog weyn oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugna goob bar kantarool ah aay kaga leyahiin Agagaarka Beerta Coolad ee Xaafada Raf Iyo Raaxo
Qaraxa ayaa aha mid aad u xooga waxana la sheegay inu aha mid Booliska lagu soo tuuray, Dad halka ka agdhow ayaa sheegay in Ay arkayeen Ciidamo dhaawac ah in kasta oo Boolisku arrinka weli ka hadlin
Qaraxan ayaa daba socda Qarax isaga la mid ah oo Habeenimadii xalay isagana lagu tuuray Guri u hore u deganan jiray Gudoomiyaha Gobolka Xaaji Muuse Geelle kaasi oo ku yaala dhanka Bari ee Netco, Kaasi oo la sheegay inu aha cidla xiligii Qaraxa lagu tuurayey Habeenimadii xalay, Ammaanka oo Maalmahan dambe aad u wanaagsana ayaa mooda inu mar kale faraha ka sii baxayo
Magaalada Xurunta u ah DPL ee Garoowe ayaa iyadana Caawa lagu dilay nin Ganacsade ah oo la sheegay inu aha Sariifle ama dadka Lacagta kala bedela, kaasi oo Koox Hubeysan aay Fiidnimadii Caawa ku dileen Agagaarka Shirkaada Dahabshiil ee magaalada Garoowe, lamana oga sababta dilka ninkaasi iyo Cida ka dambeysay ilaa xiligan
Filed under: Wararka Tagged: | Bosaso Iyo Garoowe