Weerar Yahanka Kooxda United Ryan Giggs Iyo weliba Difaaca Kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa ka maqnan doonaha Ciyaaraha muddo Bil ka badan, Xiddiga Giggs ayaa Maqnan doona isagu in ku dhow Bil isaga oo aan ciyaari doonin Kulamo badan oo Kooxda United ku soo fool leh Waxana ka mid ah Ciyaaraha Saddexda ah ee aay Kooxdu la ciyaari doonto kooxaha Everton, Westham Iyo weliba Wolverhampton Wonders, Giggs Ayaa ku dhaawacmay Kulankii Kooxda United aay barbar dhaca hal iyo halka ah la gashay kooxda Aston Villa

Dhanka kale Xiddiga Cole ee Difaaca uga ciyaara kooxda Chelsea ayaa ka maqnan doona Ciyaaraha Muddo Saddex Bilood ah, Ashley Cole ayaa la sheegay inu dhaawac soo gaaray isagana kulankii Kooxda Chelsea aay la ciyaartay Kooxda Everton, kaasi oo Chelsea labo iyo Hal loga Guuleystay
Cole waxa u kooxda Chelsea U Ciyaaray Horyaal Sanadeedka 2009/2010, 24 Kulan isaga oo u dhaliyey Saddex Gool oo keliya
Filed under: Uncategorized Tagged: | Ciyaaraha Yurub