Dagaalo Mar kale Ka Dhacay Muqdisho


Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 17 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibbis ee magaalada Muqdisho Dhegeyso
 

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo gacan ka helaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo xoogagga ka soo horjeeda ee al-Shabaab iyo Xisbul Islaam

Dadka wax ku noqday dagaalka maanta ayaa intooda badan waa saameeyay madaafiicda ay is weydaarsanayaan labada dhinac ee dagaallamay

Dad badan ayaa ka qaxayay magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay oo ka cabsi qaba dagaallada inay sii xoogeeystaan

Dagaalka maanta ayaa waxa uu ka dhacay xaafado inta badan cidlo ah oo dadkii ku noolaa ay cidleeyeen

BBC Somali

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers