Dowladda KMG ah ayaa sheegtay in aanay jirin wax lacag ah oo ka soo gaaray dhinaca hey’ada UNDP ee la xiriira deeqda Soomaaliya la siiyo
Dhegeyso
Xubno Wasiirro ah oo uu hogaaminayo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, oo maalmahan ku sugnaa Nairobi, ayaa kulamo kula lahaayeen UNDP iyo deeq bixiyeyaasha.
Wasiirka oo wareysi siiyay BBC ayaa waxa uu sheegay in kulanku ahaa la xisaabtan qaabka ay UNDP u maamusho deeqaha la siiyo Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka codsadeen in ay u sharaxaan waxa ay ku qabtaan lacagaha loo qoondeeyo Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu sheegay inay jirto hal sano lacag oo ay booliiska mushaar ahaan ka siiyeen, laakiin aanay jirin wax UNDP ka soo gaaray oo qarash ah.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in hey’addaha Qaramada Midoobay aanay tegi karin gudaha Soomaaliya, oo uu ku dhaliilay in shaqaale badan oo kun kor u dhaafaya ay ka hawlgalaan Nairobi.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay dhaliilo badan jeediyeen sida ay u baxaan qarashaadka loogu tala galay barnaamijyada horumarinta Soomaaliya
BBC Somali
Filed under: Wararka | Tagged: BBC Somali
Dhegeyso Waraysi