Golaha Wasiirada Dowlada Puntlanda ayaa maanta isagu yimid kulankii Khamiislaha aha iyada oo Kulanka u ka dhacay Caasimada Puntland ee Garoowe, Kulankan waxa Shir Gudoominayey Wasiirka Diinta Cabdirisaaq Cabdulle Geesood
Shirkan Golaha Wasiirada Ayaa loga hadlay arrimo aay ka mid yahiin, Xaalada Ammaanka Iyo weliba Burcad badeeda Afduubtay Lamaanaha Ingiriiska Mowqiifka PL ka jigto
Golaha Wasiirada ee Kulanka Joogay ayaa sii weyn u muujiyey sidaa aay daruuri u tahay in Ammaanka PL yahay mid muqadas ah isla markana loo bahan yahay in sii qoto dheer loo Ilaaliyo, Sidoo kale Wasiirada ayaa cambaareyey Burcad badeeda heysata Lamahana Biritish-ka ah sidoo kale waxay sheegen inay ka xun yahiin dadka faafinaya Wararka sheegaya in PL Xeebaheeda lagu heysto Lamaanaha
Kulanka Wasiirada ayaa daba socda Iyada oo Maalmahan dambe Xaalada degaanada PL aay tahay mid degan iyada oo Maalmo ka hor Xaaladu Aheyd mid caakarin oo aay jireen dilal iyo Qaraxyo is daba jooga
Filed under: Wararka Tagged: | Dowlada Puntland