Waxaa Todobaadkan ka socda magaalada Neyrobi, dhaq-dhaqaaq iyo xusul duub loogu jiro qabsoomida kulan balaaran oo la doonayo in lagu muujiyo dareenka shacabka Somaliyeed +Sawiro
, Ee ku dhaqan magaaladda Neyrobi, Iyo sida ay uga xun yihiin sii heysashada lamaanaha Ingiriiska ah, ee weli lagu heysto gudaha Somaliya, kuwaasoo iminka laga soo deyrinayo xaaladooda caafimaad

War hor dhac ah oo ay soo saareen gudiga qaban-qaabada ayay ku sheegeen, in ujeedadda kulankani ay tahay, sidii wax looga badali lahaa sawirka qaldan ee bulshada caalamka laga fahamsiiyay dadka Somalida ah, iyo sharaf dhaca lagu sameynayo iyadoo looga faa’ideysanayo marxaladda adag ee heysata, iyo dowlad la’aanta mudadda dheer ka jirta wadankooda, ayna soo ifbaxday waayadaan danbe in qofka Somaliga ah meelkasta ha joogee uu noqday qof ka takooran bulshada inteeda kale, iyadoo lagu xagliyo had iyo goor falal aaneey soomaalidu u wada dhameyn, raalina kawada aheyn hase yeeshee ay geystaan kooxo gaar ah oo isugu jira Somali iyo ajaanib dhaqaala doon ah, sida afduubka, burcad badeeda, iyo fal kasta oo raad ku leh caalamka oo ka dhaca Somaliya iyo meelaha kale ee ka baxsanba.

Sidoo kale, waxaa kulankaas lagu soo bandhigi doonaa, in dadka Somaliyeed ay leeyihiin, diin iyo dhaqan wanaagsan, isla markaana aaneey raali kawada noqon karin wax kasta oo ka soo horjeeda diintooda iyo dhaqankooda, sidaa daraadeedna aysan habooneyn in loo wada nisbeeyo ama loo wada dhibaateeyo falal ay geysanayaan kooxo wax ma garata ah,islamarkaana aaneey jirin awood ay wax uga qaban karaan inta wanaagsan ee ay dhibeyso, dalkana aaneey ka jirin dowlad xoog leh oo maamusha oo ka hortagi karta falalkaa guracan.

Ugu danbeyntii, kulankan oo lagu wado in uu Magaalada Nairobi ka dhaco maalinimada Axadda ah 14-02-2010.ayaa waxaa ka soo qeybgali doona, Diplamaasiyiinta Safaaradaha, wakiilo ka socda ururo caalami ah, shaqsiyaad magac ku leh soomaaliya, Aqoonyahano, Waxgarad, suxufiyiin, ganacsato, Haween, iyo marti sharaf kale,waxaana madashaa lagu soo bandhigi doonaa sheekooyin masraxeed ka turjumaya ujeedadda kulankan oo la filayo in uu wax weyn ka badali doono aragtida laga heysto dadka soomaaliyeed maadaama aan horay looga baran in ay sidaan oo kale isu abaabulaan ugana hadlaan dhibaatooyinka ka soo gaara ama loogu geysto falal aaneey soomaalidu u wada dhameyn, balse ay geystaan shaqsiyaad.




Cigaal Dheere
+254718302531
Filed under: Wararka Tagged: | Waxa Qoray Cigaal Dheere
WAXAA WAX LAGA XUMAADO DADKA WAAWEYN EE DADA AH WAXAAN LEEYAHAY INTAAD LACAG RAADINAYSAA YAYSAN IDIINKU DHIMAN OO AY DIIN DADKA SOMALIYEED DHIB HA U SOO JIIDINA