A/C, Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariisna rasuulkiisa allaha yeelo, intaa kaddib Qallinkaygu waa ooyaa keliya 11 Feb, 2010, wuxuu la murugaysanyahay kuwa la kala baxay magacyada dawlad iyo mucaarad, ee ma naxaanka ah, dareenkii dadnimo ka tegey, hadalku waa i dhibaa waanse iska wedaahe, waxay isku raaceen inay si bahalnimo ah u xasuuqaan maatidan ay ku kor dagaalaan
Waxaa mucjizo noqotay Sh. Shariifkii aan naqaannay oo noqday mid aannaan aqoon magaciina weli wata, waxa uu si cad uga quustay ilaahii abuurtay iyo iyo raxmaddiisii, iyo diintuu sheegan jirey hadday shalay daacad ka ahaydba, wuxuu dhaafsaday kursi adduunyo iyo xoogaa doollar ah ee asaga maanta la badan, waxa uu damiirkiisu siiyey inuu cadow ma naxaana, ee aan dalka dad iyo ehel iyo duunyo midna ku lahayn ku dhaho caasimaddiinnii oo idiin nabad qabta caasimaddayda iyo waxa ku nool gumaada, war hadduu wax ka qaban waayey hal qof ma abuuri karo mana soo celi karee maa isaga tago gaajo u dhima maayo ajashiisii ka hore, way muuqataa inaan rajo laga qabin inuu dhiig sii galo maahane, ilaahay baanse ku dacweyney aakhiro iyo adduunna cafi mayno, maalinta qiyaamena ilaahay hortiis baan ku doodi doonnaa.
Dhinacyada mucaaradka sheeganaya ee waan jihaadeynaa leh, haddey diin leeyihiin way ogyihiin jihaadkii xaqa ahaa ee rasuulka SWC iyo asaxaabtiisii iyadoo ay xaq ahayd in la galo magaalada MAKA ayna weliba ahayd meeshii laga soo saaray iyo guryahoodii ayey u joojiyeen dagaalkaas 9 qof oo muslimiin ahayd oo ku dhex noolayd keliya, loogana baqay in la dhibaateeyo ogowna kama aysan baqayn in madaafiic ama xabbado ay iyagu ridaan wax yeellayso, ee dagaal ay iyagu sababeen in loo dhibaateeyo ayey ka baqeen, war miyeysan kuwan dagaalayaa sunnadaas raad ku lahayn waa la yaabee?
Bal aan weydiiyo Sh. Cali dheere iyo Sh. Xasan Daahire (la hadli maayo suufiyo iyagoo waa itoobiyaane) haddaad ilaahay taqaaniin ilaahay baan idin ku dhaarshee ma waxaa jihaada inaad maati masaakiina, oo muslimiina, oo weliba ehelkiina maalin walba ka oysiisaan, argagixisaan, qixisaan, gumaaddaan, haddii aad marmarsiinyo ka dhigataan noqon maysee AMISOM iyo shariif baa u sababa, hoobiyahaad maalin dhaweyd tuurteen ee 100 ku, ku dhimatay iyo halkii hoobiye ee aad afurka soon la fiirsanayseen ee loogu soo jawaabayey madaafiic muslimiintii soommanayd ee afka Markey geliyaan xabbaddii sanbuuska ahayd ee sida alle ogyahay ku soo heleen haddii aad ugu beddesheen madfac iyo geeri iyo dhaawac lugo iyo gacmo goo-go’ay ma jihaadaa maxayse tahay cadaawadda ka daran ee dunida soo martay?
Waxan idinkugu nasteexaynayaa haddii uu dareen yar idinku dambeeyo inaad saacadda la joogo ku dhawaaqdaan ugu yaraan in la idin soo weeraro maahane aadnaan weerar qaadeyn madfac dambena aadnaan maatida ka dul rideyn guryaha dhexdooda, war haddaad arkaysaan in dadkii wada dhashay dhexdiidii kala baxay ee cadawga la kala jiraan maad caqli kale raadisaan intaad maatida aan iska kiin celin Karin isugu tegeysaan oo ku goobanaysaan idinkoo 100 magac wata?
Ugu dambayn waxaan labada dhinacba ugu baaqayaa, baaqaas oo aan ahayn baaqyadii hore, ee ah ilaahay idankiis AWEYTIN iyo ,masiibo degdega, ee aan allaha weyn ka baryeyno in haddaad saacaddaan na deyn weysaan uu ilaahey meel xun idin mariyo khaatumadiinnana dhumiyo, toddobada naaroodna salka idiin dhigo isagaa karee Caza wajalla.
ILAAHOW ADAA ILAAHA, ADAA ALLA WEYNE AH, ADAAN ALLOOW MAQNAYN, ALLOW ADAAN KU AAMMINNAY, ALLOW ADDOOMADAADAAN NAHAY, ALLOW ILAAH KALE MA LIHIN, ALLOW GARGAARE KALE MA LIHIN, ALLOW WAAD ARKEE DUULKAN, ALLOW MIYIR WAA KA TEGEY, ALLOW DHEGAHAY NAGA AWTEEN, ALLOW NOO ARXAMI WAAYE, ALLOW OOYIN MISKIIN IYO AGASKEY KA HELAAN, ALLOW SAAKA NA DHAAFI, ALLOW KUWAAN KU CAASINE, ALLOW DIINTA U DAACADA, ALLOW NOOGU BEDDEL KUWAN.
Aammiin Aammiin Aammiin .
Cali Jeyte
Filed under: Wararka | Tagged: Waxa Qoray Cali Jeyte
ilaahay waxaan ka baryayaa ku waan dowlada isku sheegaya iyo kuwa mucaaradka isku sheegaya in uu ilaahay naga qabto rabiyow adaa awoodee 100 magac ayey isku bixinayaan dadka ayeyna laalayaan aaqiro ayaan xisaabtami doonaa waliba ilahay hortyiisa ilaahow naga qabo ku waan adaa awoodee yaa raabi casaa wajalah