Nin Soomaali ah oo darawal ka ah mid ka mid ah basaska magaalada London, ayaa joojiyay baskii uu waday oo salaad ku dhex tukaday, taasi oo cabsi gelisay dadkii saarnaa
Rakaabkii saarnaa baska oo ahaa numberka 24aad ee kuwa ka shaqeeya waqooyiga magaalada London, ayaa sheegay inuu joojiyay isagoo aan dadka u sheegin, kadibna salaad iska xirtay.
Shan daqiiqo oo uu dukanayay ayaa sida uu qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London, waxa ay dadku ku dhex xannibnaayeen baska, oo albaabadu ay u xirnaayeen.
Qaar badan oo rakaabka ayaa waxa galay cabsi ah in baska uu qarxi rabo.
Cabasho ayaa loo gudbiyay waaxda gaadiidka ee magaalada London, oo iyadu maamusha basaska.
Waxaana ay ka bixiyeen raali-gelin, iyagoo ku amray shirkada leh baskaasi ee la yiraahdo London General, inay siiso darawalka Soomaaliga ah digniin, in aanu mar danbe sidaa sameyn
Filed under: Wararka Tagged: | BBC Somali