Xabsade Oo Ka hadlay Mowqiifkiisa Shirkii Garadada Dhulbahante

Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa sheegay in Garaadada beesha Dhulbahante aanay badali Karin Itijaaha siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana ku tilmaamay hadaladii doraad ka soo yeedhay garaadadaasi ee ay ku sheegeen in beelaha reer guuraaga ah ee Isaaq ay ka baxaan deegaanada gobolka Sool kuwo aanay waxba ka jirin oo iska hadal ku salaysnaa

Mr Xaabsade waxa uu sheegay in beelaha reer Somaliland iyo xoolahooda ku sugan deegaanada miyiga ee gobolka Sool aanay jirin cid ka sheegan karta ama wax ku yeeli kartaa

Siyaasiga Xaabsade waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaasa kula yeeshay khadka telefoonka isagoo mudo bil ah ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu ku weheliyo wafti ka socda xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro).

Waraysigaasi oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan qaraxyada ka dhacayey Laascaanood iyo guud ahaanba Itijaaha siyaasadeed ee bulshada deegaanadaas iyo joogitaanka ciidamada qaranka Somaliland waraysigaasi iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

S: Garaadada Dhulbahante waxay doraad Garowe ka soo saareen go’aano ay kaga digayeen in beelaha reer guuraaga ah ee ku sugan deegaanada Laascaanood ay layn doonaan hadaanay ciidamada Somaliland ka bixin deegaanadaasi arintaas maxaad ka odhan lahayd ?

J: Beelahaasi si wanaagsan baa loo soo dhaweeyey, si wanaagsan ayaanay bulshada Sool ula nool yihiin nimanka hadlayna iyaga laftoodu ha loo tudho bay yidhaahdeen wax ha la yeelo may odhan, cid ka kaxayn karta daaqa deegaanadaasi ama ka sheegan kartaana ma jirto.

S: Waxay Garaadadu sheegeen in beelaha reer guuraaga Somaliland ee xoolahoodu wakhtigan xaadirka ah ay ku sugan yihiin deegaanadaasi Sool ay uga baxaan deegaankaasi, hadii ay ka bixi waayaana ay dhibaato ku mudan doonaan, arinkaasi miyaanay nabad galyo daro iyo isku dhac ku keenaynin beelaha reer Somaliland ee ood wadaagta ah ?

J: Si wanaagsan baa loo soo dhaweeyey biyihii baa la siiyey, reeraha deegaanadaa dagan ayey la mid yihiin ama waabay uga sii dhawyihiin, dadkuna waa dad walaalo ah, abtiyaashaybaa waxay marayaan Qoriley,ma abtigaybaa cidi ku hadimayn kartaa ilayn dadku waa isku abti iyo ilmaadeere, biyihii baa la wadaagayaa, daaqiibaa la wadaagayaa oo aan la kala lahayn, magaaladii baa la wada joogaa oo waa la wada cuntaynayaa wax alaala iyo wax ka jiraa toona ma jirto, nimankaasi garaadaduna waa niman iska hadlay.

S: Garaadadu mawqifkaasi ay ka istaageen beelaha oodwadaagta ah iyo xoolaha wada jirka u wada daaqaya siday shacabka reer Sool arinkaasi u arkaan ?

J: Shacabku way ka soo horjeedaan arimahaas oo kalena kuma raacsana, beelaha walaalaha ah ee wada dagana waxaasi ma qabtaan, shirkoodaa ay garaadadu qabsadeena beeshu ma ogolayn.

S: Maadaama Garaadadii beesha Sool ay ka maqan yihiin dalka oo ay dibad wareeg ku yihiin dhinaca Puntland iyo Somalia kuna hawlan yihiin arimo ku lid ah gooni isku taaga Somaliland, sheegeena inaanay ka tirsanayn beeshu Somaliland arinkaasi siduu kuula muuqdaa ?

J: Garaadadaasi iyagay u taala haday dalkooda imanayaan laakiinse wax Itijaaha siyaasadeed ay ka badali karaan ma jirto, dalka iyo dadkuna waa Somaliland.

S: Waxa lagu eedeeyaa Garaadada beesha Dhulbahante inay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-shabaab arinkaa maxaad ka ogtahay ?

J: Anigu ma cadayn karo una malayn maayo inay xidhiidh la leeyihiin kooxahaasi.

S: Qaraxyadan baryahan danbe ka dhacayey Laascaanood maxaa ka danbeeya ayaad odhan kartaa, aragtidaadu se maxay qabtaa ?

J: Dadka qaraxyadan fulinayaa waa dad la soo dirtay oo shaqaynaya, dadka se waxaan leeyahay waar qaraxani indho ma leh oo dhago ma leh oo lugo male iyo gacmo waxbuu dilaaye waxba ma taro, cida wax qarxinaysa iska qabta dad iyo duunyaba wuu dilaaye qofkii loo dhigo kii agmaraya iyo kii la joogaba way dhimanayaan, sidaa darteed waxaan leeyahay kuwan wax qarxinay iska qabta yaanay idinku dhex dhuumanin ka hortaga.

S: Garaadada gaar ahaan Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan waxay ku hanjabeen hadaanay ciidamada qaranku ka bixin Laascaanood ay dagaal kala hor tagi doonaan arinkaa maxaad ka leedahay ?

J: Garaadadu shacabka iyo deegaanadaasi midna masuul uma aha, ciidamada qaranka Somaliland-na kama baxayaan gobolka Sool iyo deegaanadiisa kamana bixi doonaan waanay joogayaan.

S: Qaraxyadan laga wado Laascaanood waxa kale oo loo aanaynayaa maamul goboleedka Puntland oo la sheegay in qaar ka mid ah kuwii qaraxyada fudiyey ay u baxsadeen, arinkaasi ma jiraa oo ma kuu muuqdaa ?

J: Arinkaasi lama odhan karo maamulka Puntland iyagii baa toodii u taagla, magaalooyinka gudahoodiibay dariiqyadoodu go’an yihiine toodiibay u tashan kari laayihiin, Somaliland-na uma soo gudbi karaan oo iyagaaba dhibaatadii qaraxyadu gudahooda haysataa.

S: Maxaad u aragtaa in lagaga hortagi karo falalkaa qaraxyada?

J: Waa in qaab dawladeed lagula dagaalamo oo shacabka laga soo ceshado.

S: Ma waxaad leedahay Garaadadaasi midkoodna laguma xanto Al-shabaab ?

J: Shabaab inta nin ee halkaasi joogta midkoodna maaha,balse hadii laga tagi waayo mid ka mid ah ayaa ugu dhaw oo lagu tilmaamaa, laakiin ninkii xumaan raba Shabaab kaw-dhe Puntland laba-dhe, ninkii mucaarid ah ee inaga soo horjeeda sadex-dhe intooduba way adeegsanayaane sidii aynu ula dagaalami lahayn arinkeedi ha la keeno.

S: Taytalka aad hada kaga hawl galayso arimaha siyaasadeed, nabad galyo ee Laascaanood muxuu yahay ?

J: Anigu oday qaran baan ahay oo dalka iyo dadka u shaqaynaya

Wargeyska Haatuf