Kulamo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska Ayaa caawa la ciyaaray, Kooxda Chelsea ayaa laga guuleysatay Kulan xiiso badan oo ka dhacay Garoonka Goodison Park kaasi oo Evertoon ku Qabishay Hoggaamiyaha Horyaalka Ingiriiska Ee Chelsea
Everton ayaa Ku Guuleystay Labo Gool Iyo Hal aay Chelsea la timid, Louis Saha ayaa Noqday Xiddiga Ciyaarta Isaga oo dhaliyey Labada Gool ee Everton Guushu ku raacday in kasta oo u Saha Cunay Gool ku laad loo dhigay Qeybti hore ee Ciyaarta, Sidoo kale waxa xusid mudan In Kooxda Chelsea aay la hor martay Goolka iyada oo u dhaliyey Xiddiga Reer France Ee Malouda
Dhanka kale Arsenal Ayaa guul gaartay kadib markii aay Garoonkeeda Fly Emarates ku qabishay kooxda Liverpool, Goolka kaliya ee Ciyaarta waxa u dhaliyey Xiddiga Abou Diaby Daqiiqadii 72 Ee Qeybtii Dambe ee Ciyaarta
Kooxda Kaalinta labaad ku jirta ee Manchester United ayaa iyaduna u safartay Dhanka magaalada Birmingham, iyada oo halka kulan kula soo yeelatay kooxda Aston Villa, Kulanka ayaa ku dhamaday barbar dhac hal iyo hal, In kasta oo Labada Gool ee Ciyaarta dhashaba aay ahayeen kuwa Aston Villa ka yimid, Goolka Aston Villa Waxa u dhaliyey Xiddiga Cuellar, Halka Goolka Manchester United Laftigiisa u aha mid aay Aston Villa iska dhalisay waxana iska dhaliyey Ciyaar yahanka Collins, Sidoo kale waxa Xusid mudan in Manchester United Kaarka Cas loga tagay xiddiga Luis Nani
Wolverhampton Wanderers Ayaa iyaduna ka guuleystay Kooxda Tottenham Hotspur , Iyada oo u dhiibtay Gool iyo waxba
West Ham United ayaa iyaduna Labo Gool Iyo Waxba u dhibtay kooxda Birmingham City, Oo Marti Ku Aheyd, Sidoo kale Blackburn Rovers Ayaa Ayaa hal Iyo Waxba kaga guuleysatay Kooxda Hull City
Filed under: Uncategorized Tagged: | Horyaalka Ingiriiska