Faroole Ma Noqon Doona Madaxweynahii Labaad Ee Puntland Ka Socda Oo Booqda Galgala?

Madaxweynaha Puntland ee Xiligan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa la filaya inu nooqdo Hoggaamiyahii Labaad ee ka socda DPL oo booqasho ku taga Tuulada Galgaal ee ku taala Buuraleyda Dhanka Galbeed ka Xigta magaalada Bosaso, Tuulada oo ah mid Barwaaqo ku ah Beeraha, Ayaa la filaya inu Madaxwenahu booqasho ku tago, halkaasina lagu soo afjaro khilaaf Iyo kala Shaki ku dhexjiray Dowlada Iyo weliba Beesha Degaanka oo in muddo ah u dhex oola khilaaf dhinaca Siyaasada ah

Puntland Iyo Beesha Degaanada ayaa khilaafkooda waxa u bilowday 2006 Xiliga oo Xukuumadii Puntland ee Gen Cadde Muuse aay dooneysay inay degaanka Majiyaan ka baran Macdan balse Beesha Degaanka iyo Dowladu aay isku fahmi wayeen Qabka Macdan baarista taasi oo markii dambe sababtay Gacan ka hadal dad badani ku dhintaan, Sidoo kale Beesha Degaanka Iyo Dowladii Gen Cadde Muuse ayaa isaga horyimid Tuulada Laag iyada oo halkaasina khasaaro badan aay ka dhalatay, Maamulka Faroole ayaa isagu bedelay Siyaasadii Gen Cadde isaga oo ku baaqay in la wada hadlo, Sidoo kalena kulan la qatay Odayaasha Beelaha Sanaag Kulanka oo ka dhacay Dhamaadkii Sanadkii hore Magaalada Garoowe, Waxana U Madaxweynahu Odayaasha ka codsaday in Hubka Iyo Gadiidka dagaal ee u heysto Wadadka Buuraha ku dhumaleysta Ee Maxamed Saciid Atam u ku wareejiyo Dowlada Ama u ku soo biiro Hanaanka dowladnimo ee Puntland

In kasta oo wada hadal dheer kadib la isla ogoladay Arrimo badan, hadana waxa jira in qodobo dhowr ah la isku diiday, kuwas oo aay ka mid Ahayeen, Wareejinta Hubka Iyo Weliba Baarista Macdanta Degaanka Majiyan iyada oo aan khilaafka la dhameyn, Iyada oo Dr Faroole doonayo in Degaankaasi dib loga baaro Macdanta

Haddaba Faroole Ayaa xiligan u muuqda mid aqbali doona Caasumad uga timid Hoggaamiyaha Buuraleyda ku sugan ee Maxamed Saciid Atam, isaga oo Horrena Faroole u sheegay inu booqan doono Degaanka Galgala, lana kulmi Doono Odayaasha degaanka oo u la socdo Hoggaamiyaha Maleeshiyada Degaanka Galgala Atam

Faroole ayaa hadii u booqdo Tuulada Galgala waxa u noqon doona Madaxweynahii Labaad ee Puntland ka socda oo booqda Galgala, iyada oo hore u degaanka u Booqday Madaxweynahii Hore ee Puntland Md. Cabdullaahi Yusuf Axmed, Iyada oo Xiligiisi sii heer qaran ah logu soo dhoweeyey

Galgala waxay ku taala Buuro korkood, waana magaalo aad ugu wacan Beeraha Iyo beerashada, Waxana ku nool dad Beeraley u badan

Yusuf@tvstar.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers