DFKMG Oo Sheegtay Inay Dishay Sarkaal Alqacida ka Tirsan Iyo Alshabaab Oo Beenisay

Sarkaal ka tirsana Ururka Alqacida oo u dhashay Wadanka Jordan ayaa la sheegay in lagu dilay magaalada Muqdisho Toddobadii Bishan, Sarkaalka ayaa lagu magacaabi jiray Camaar Ibraahim Sidaa ay Sheegtay Idaacada Afka Dowlada Ku Hadasha ee Radio Muqdisho, Sarkaalkan la dilay ayaa Idaacadu Sheegtay in lagu dilay Xaafada Cadala ee Ee Degmada Yaaqshiid Gaar ahan Guri ku yaala Agagaarka Hotel Kaah

Ninkan ayaa lagu sheegay inu aha Hoggaamiyaha Bedelay Mas’uulkii Hore ee Alqacida u fadhiyey Somaliya Salah Nabhani oo isaga lagu dilay Weerar Duqeyn Ah Dhamaadkii Sanadkii hore

Sarkaalkan la dilay Ee Camaar Ibraahim lagu sheegay ayaa Waxa dilay Ilaaladiisa, Kadib markii muran u soo kala dhexgalay, Iyada oo Wasiirka Amniga DFKMG Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe uu isaguna dhankiisa ka sheegtay in aay iyagu dileen Ninkaasi, Halka Idaacada Muqdisho aay iyadu sheegtay in Ilaaladiisu dishay

Hadalada Idaacada Muqdisho Iyo Weliba Wasiirka Amniga ayaa waxa sii kulul u beeniyey Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage oo isagu sheegay in aan waxba ka jirin hadalada ka soo baxaya Idaacada Dowlada Taageerta Iyo Dowlada intaaba