Wasiirka Amniga Dowlada Puntland Gen Cabdullaahi Saciid Samatar ayaa sheegay in Amni Dirada ka jirta degaanada Puntland aay qeyb ka yahiin Shacabka Degaanku, Sidaa u hadalka u dhigay
Cabdullaahi Siciid Samatar Oo ka hadlay Kulan shalay ka dhacay Xurunta Dowlada Hoose ee magaalada Bosaso oo loga hadlayey Ammaanka ayaa Yiri ”Amni Darada ina heysata Waxa qeyb weyn ka ah Shacabka Puntland Qaarkood” in kasta oo Wasiirku usan Cid farta ku fiiqin balse waxa jira dhowr jeer oo hore inu Maxfaalada ka sheegay in Amni Darada Puntland aay Qeyb Libaax leh kaga jirto Beesha Dubeys oo ka mid ah Beelaha Gobolka Bari
In kasta oo Kulankii Shalay uusan beel carbaabin hadana waxa Wasiirka Laga dhadhansan karay inu weli farta ku fiiqayo Beesha oo iyadu ka mid ah Beelaha Gobolka degan, isla markana ragg ka tirsan loo soo qabqabtay dilal badan oo ka dhacay Magaalada Bosaso iyo Weliba Magaaloyiin kale oo ka tirsan degaanka

BBC Subax


Gabaygii
Rayiga Akhristaha